Mareykanka oo sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga uu ka dambeeyay dilka wariye Jamaal Khaashuqji

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Jamaal Khaashuqji ay dileen koox Sacuudi ah oo ku howlgalay amar uu bixiyay Dhaxal-suge Maxamed Bin Salaan, sida lagu sheegay warbixinta sirdoonka oo jimcihii la sii daayay.

Warbixinta ayay sirdoonka Mareykanku ogaadeen lagu ogaadeen in dilkii 2018 dhacay ee wariye Jamaal uu mas’uul ka ahaa Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salaan.

Maamulka madaxweynihii hore Mareykanka ee Donald Trump ayaa oo ay xulafo dhow ahaayeen Dhaxal-sugaha ayaa dib u dhigayay sii deynta warbixintan muddada dheer la sugayay taas oo ay sharciyeeyeen aqalka wakiilada Mareykanka.

Khaashuqji ayaa ahaa faale qore ka tirsan wargeyska caanka ah ee The Washingtin Post, isagoo si weyn u dhaliili jirey siyaasadda Sacuudiga gaar ahaan tan Dhaxal-sugaha, bishii October 2018 ayaa lagu dhax dilay Qunsuliyadda Sacuudiga magaalada Istanbul ee Turkiga.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa dafirey in Maxamed Bin Salaan uu ku lug lahaa khaarijinta wariye Jamaal.

Saraakiil ka tirsan aqalka cad ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Biden ay talaabo ka qaadi doonaan cidda ka dambeysay dilka wariye Khaashuqji ka dib markii warbixinta daah laga rogay.

Maxamed Bin Salaan oo loo yaqaano MBS wuxuu taageeraa in talaabo laga qaado lana aamusiyo dadka dhaliila xukunkiisa oo Khaashuqji uu ku jiro, sidaa waxaa sheegay sirdoonka Mareykanka.

Warbixintan oo ka kooban affar bog ayaa lagu carabaabay 21 shakhsi oo qeyb ka ahaa dilka wariye Jamaal Shaakhuqji.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga  ayaa lagu diiday eedeymaha ayagoo xusay in warbixinta ay tahay mid la dhoo dhoobay oo aan la aqbali Karin.

Dhinaca kale, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in maamulka Biden uu isku dayayo in si daah furnaan ah loo soo bandhigo arrintan isla markaana lala wadaago dadka Ameerikaanka ah.