Qarax Miino oo goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ku geeriyootay qarax Miino oo goordhow ka dhacay agagaarka Dugsiga hoyga Xamar.

Qaraxan oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidanka Xoogga dalka oo Waddada marayay.

Weerarkan Argagixisanimo ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah iyo bur-bur hantiyadeed.