Taliska booliska oo shaaciyay in talaabo sharci laga qaadi doono cidkasta oo ku lug lahayd falkii lagu bur buriyay Hooyga Xamar

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in falkii xalay lagu bur buriyay Iskuulka Hooyga Xamar uusan Taliska waxba kala socon, isagoo balan qaaday in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadkii ku lugta lahaa falkii lagu bur buriyay Hooyga Xamar.

Jeneraal Xijaar ayaa yiri  “Waxaan hortiina ka balan qaadayaa in talaabo sharci ah laga qaadi doono saraakiishii iyo cid walba oo dowladda ka socotay oo ku lug lahayd falkii lagu bur-buriyey iskuulka Hoyga Xamar, waxaana idinka raali gelinayaa falkaas.”

Taliyaha ciidanka booliska ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falka lagu bur buriyay Iskuulka Hooyga Xamar, isla markaana ay dowladda sida ugu dhaqsiyaha badan uga jawaabi doonto, isagoo xusay in dowladda ay dhiiri gelineyso horumarnta Waxbarashada.