7 xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada ee Niger ayaa ku dhintay qarax

Toddobo xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada ee Niger ayaa ku dhintay qarax ka dhacay dalkaas sidoo kalena waxaa dhaawacmay 3 kale.

Sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Niger, qaraxa ayaa lagula beegsaday xubnahaan gobalka Tillabri ee galbeedka dalkaas , Gobolka Tillabri oo ku yaal xadka uu Niger la wadaago dalka Maali, waxaa inta badan ka dhaca weeraro argagiso.

Weeraradii ka dhacay gobolkaas sanadkii dhamaaday waxay galaafteen nolosha in kabadan 80 ruux waxaana ku barakacay in 80,000 oo qof.

Dalka Niger shalay waxaa loo dareeray wajiga labaad ee doorashada madaxtinimada oo ay isagu soo hareen wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxamed Bazoum iyo madaxweynihii hore ee dalkaas Mahmaan Cismaan.

Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Tuunis

Doomo kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Tuniisiya ayaa soo badbaadiyay 103 tahriibiyaal ah, kuwaas oo ka yimid xeebaha Liibiya kuna sii jeeday jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa.

Doontii ay wateen tahriibayasha ayaa ku cilladowday meel u jirta 110 km dekadda Alshaaba ee Tuniisiya

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada badda ee dalka Tuunisiya ayaa sheegay in dadkaan lasoo badbaadiyay ay caafimaad qabaan loona wareejiyay goob loogu tala galay tahriibayaasha.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in tahriibayaashu kasoo kala jeedaan dalalka  Suuriya, Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Bangladesh, waxaana ku jira 6 dumar ah iyo 5 caruur ah.

Guddoomiye Mursal oo hambalyo u diray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed u diray sarreeyayaasha, saraakiisha,saraakiil xigeenadda,Alifleyda iyo dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciidanka asluubta Soomaaliyeed ay door weyn ku leeyihiin amniga iyo xasilinta guud ahaan Dalka, isagoo guud ahaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo hogaankooda u rajeeyay horumar kan kasii balaaran.

Sidoo kale Wasiirka Caddaalada XFS Soomaaliya, Cabduqadir Maxamed Nuur  ayaa isna hambalyo ku saabsan sanad guurada 51 aad aas aaskooda u diray ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Tirada kiisaskii u dambeeyay cudurka COVID-19 ee dalka

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka carona laga heley 128 kiis ka dib baaritaan lagu sameeyay 936 qof oo ku kala nool guud ahaan dalka.
Gobolka Banaadir ayaa laga diiwaan geliyay tirada ugu badan oo ah 110 kiisas, iyadoo Jubaland laga heley sideed kiis, Soomaaliland lix kiis, Koofur Galbeed waxaa laga diiwaan geliyay sadex kiis, halka Galmudug kiis keliya laga heley.
Xogta wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhimasha sideed qof marayso, waxaana cudurka ka bogsooday todobo ruux.
Guuud ahaan dalka waxaa laga diiwaan geliyay 6,017 kiis oo ay ku jiraan 202 qof oo cudurka u geeriyootay, waxaa xanuunka ka bogsooday 3,764 qof.
Saraakiisha caafimaadka dalka ayaa ku cel celinaya ahmiyadda ay bulshada u leedahay in ay la yimaadaan taxadir dheeraad ah, maadaama cudurka uu soo labo kacleeyay.

Wasaaradda qorsheynta oo gaadiid ku wareejisay wasaarado dhowr ah +Sawirro

Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Aadan ayaa maanta shan gaari ku wareejiyay wasaaradaha Maaliyadda, Xannaada Xoolaha iyo Xafiiska arrimaha degaanka ee xafiirka ra’iisul wasaaraha.

Gaadiidkan ayaa qeyb ka ah mashruuca horumarinta biyaha ee Biyoole, ooh adda ka socda dowlad goboleedyada; Galmudug, Puntland iyo Koofur Galbeed, iyadoo dhowaan laga bilaabi doono Soomaaliland.

U jeedada laga leeyahay mashruuca ayaa ah in lagu horumariyo biyaha, xoojinta tayada hey’adaha dowladda isla markaana laga faa’ideysto roobabka, sidoo kalena la sameeyo qorshihii lagu celin lahaa biyaha togagga isaga shubma xilli roobaadka.

Waxaa hadda la soo gebo-gabeey wajiga 1-aad oo dhinac Puntland oo 6 goobaad oo biyo celin laga samaynayo iyo afar goob-biyood oo la dayac tirayo. Halka Galmudug iyo Koofur Galbeed ay mar dhow la bilaabi doono asteenta goobaha biyo celinta laga samaynayo.

Waxaa sidoo kale wax laga qaban doonaa baahida biyaha deegaannada aan toggagga lahayn balse leh fursad biyo celin ama biyo soo saarid, tas oo ahmiyadd u leh dalka.

Mashruuca Biyoole ayaa tusaale u noqan-doona mashaariicda laga hirgeliyo Soomaaliya maadaama laga gaaray guulo hordhac ah oo ku aaddan wax qabadka baahida horumarineed ee bulshada.

   

Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka

Muqdisho, Febaraayo 21, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqada Guddiga ay aas-aas u tahay xal u helidda caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar iyo talo-soojeedintooda oo soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aaddanaa dhaqan gelinta heshiiska doorashada, taas oo ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqraadiyadda dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaalladii heer Federaal iyo Dolwad Goboleed ee loo qaaday horumarinta dowladnimada, adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

DHAMMAAD

Faadumo Cali Nakruuma oo ku geeriyootay Muqdisho

Allah ha u naxariisto waxaa isbitaalka Martiini Cudurka Covid-19 ugu geeriyootay Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid ahayd Hobollada Qaranka Waabari.

Faadumo Cali Nakruuma ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2018-kii, dalka dib ugu soo laabatay,maadama ay qurbaha ku nooleyd tan iyo markii dagaallada sookeeye ay Xamar ka billowdeen sanadkii 1991-kii.

Nakruuma waxay fanka Soomaalida ku soo biirtay bartamihii lixdanaadkii, waxayna muddooyinkii dambe ka mid ahayd Haweenka nabadda u ololeeya.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la leh Madaxda M/goboleedyada Hirshabeelle K/galbeed, Galmudug iyo QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo Ra’iisal wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda kulan la leh Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha Doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo soo saaray go’aano lagu xakameynayo faafitaanka Covid-19

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray go’aano la xariira faafitaanka cudurka Covid-19 si loo ilaaliyo badqabka shaqaalaha Hey’adaha Garsoorka dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee adeega u doonta xarumaha garsoorka.

Dhammaan howlwadeenada garsoorka, ciidamada amniga, qareenada iyo shacabka adeega caddaalada u soo doonta Hay’adaha garsoorka dalka ayaa la faray in ay xirtaan Af-saabka (Mask) ilaaliyaana kala fogaanshaha iyagoo isku jirsanaya ugu yaraan labo talaabo.

 Halkaan Hoose ka Akhriso go’aanada la xiriira faafinta Cudurka Covid-19:-

 

 

Shirkadaha Diyaaradaha qaar oo duulimaadyadooda rasmiga ahaa dib u bilaabay+Sawirro

Waxaa dib u bilaabay duulimaadyadooda rasmiga ahaa shirkadaha diyaaradaha Turkish Airline, Ethiopian Airways iyo Uganda Airline kuwaasoo hakiyay duulimaadkooda Garoonka Aadan Cadde Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka Cabdullaahu Salaad Oomaar oo ku sugan Garoonka ayaa  lagu wadaa inuu ka hadlo dib u howlgalka shirkadaha diyaaradaha ee laga leeyahay Dalalka Turkiga, oo Aasiya iyo Yurub ah iyo Wadamada Sida Uganda iyo Ethiopia.

sidoo kale waxaa si caadi ah u socda Duulimaadyada ay Muqdisho ku imaanayaan diyaaradaha Djibouti Air, Hala Airlines, Daalo iyo diyaaradaha hay’adaha caalamiga ah sida WFP, UN.