Dawladda Soomaaliya oo cambaaraysay hadal ka soo baxay Imaaraat-ka Carabta

Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado oo aan la aqbali Karin qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraat-ka Carabta oo lagu sheegay in qalalaase ka socdo Soomaaliya, aysana ka jirin dawlad rasmi ah.

Wasiirka ayaa sheegay in tan iyo markii ciidanka dawladda FS ay kala eryeen maleeshiyadii caasimadda dhexdeeda kaga dhawaaqday in aan dowladi jirin dalkana ay iyagu masuul ka yihiin, ay dawladda soo gaareen qoraallo kaga yimid dawladaha iyo ururada calaaqaadka wanaagsani kala dhexeeyo, balse Imaaraatku soo saareen hadal ay ku durayso dawladnimada Soomaaliya, kuna abuurayso xasrad iyo fawdo, sida Yeman iyo Libya ay colaad lugaha ugu galisay.

Waxa uu xusay in Imaaraat-ku faragalin ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, isagoo soo maraya qaar ka mid ah madaxda dawlad goboleedyada oo markii ay saxiixeen heshiiskii doorashada 17-da September ka dib safar ku tagay Imaaraat-ka, iyagoo diiday dhaqangalinta heshiiskii ay wax ka saxiixeen.

Tallaabooyinka ay ku kacday dawladda Imaaraat-ka Carabta ayuu sheegay  inay ka hor imaanayaan sharciga caalamiga ah, anshaxa diblomaasiyadeed iyo xiriirka walaalnimada labada wadan oo muddo dheer ku dhisnaa is-ixtiraam iyo iskaashi tixgalinaya nidaamka dawladnimo.

“Sheekh Zayed bin Sultan Al Nahyan wuxu ku qornaan jirey quluubta shacabta Soomaaliyeed aad na way u jeclaayeen, dulqaad iyo ilaalinta walaaltinimada ayaa dowladda Soomaaliyeed ku khasbay in markasta ay wanaajiso xiriirka labada dal” ayuu yri Wasiir Dubbe.

Arrimaha doorashada ayuu sheegay in dawladdu ay ku taagantahay heshiiskii madaxda dawladda, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay Muqdisho ku gaareen, ayna diyaar u tahay in laga wada hadlo, wixii farsamo ahaan dhalilli ka jirto, taas oo madaxweynaha dawladda mudane Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo tanaasul badan ka muujiyey, shirna isugu yeeray mar kale madaxdii heshiiska saxiixday.

“Arrinaha Doorashooyinku waa arrin qusaysa Arimaha Gudaha ee Soomaaliya sida ay dalkasta u qusayso doorashadiisu, mana jiro dal ogolaanaya in qof waliba ka hadlo doorashada dalkiisa, doorashada Soomaaliya ma aha Timir xabaal taalla oo qof kasta gacanta gelin karo.” Ayuu yiri Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Mudane Cismaan Abuukar Dubbe.

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay ma wanaagsanayn calaaqaadka Soomaaliya iyo Imaaraat-ka Carabta, ka dib markii bishii April 2018-dii dawladda Soomaaliya garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qabatay diyaarad waday lacag ka badan 9-milyan oo Dollar, taas oo Imaaraat-ku lahaa dawladuna sharci darro ku tilmaantay.

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 257 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 15 qof ayaana u geeriyootay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (155) Galmudug (1) iyo Hirshabeelle (1) qof, 183 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 74-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 5,889 waxaa bogsootay 3,757 Ruux. guud ahaan 194 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Lubnaan oo Garsoore cusub u magacawaday qaraxii Dekedda Beyruut

Wasiirka Caddaaladda Lubnaan Mariya Kaluud ayaa u magacawday Garsoore Daariq Al-Beydaar inuu hogaamiyo baaritaanka qaraxii ka dhacay dekedda magaalada Beyruut, ka dib markii qaar ka mid ah falalka garsoorahii hore  uu dhaliyay caro dadweyne .

Maxkamadda sare ee  Lubnaan ayaa ka reebtay garsoore Sawaan baaritaanka dacwadan,  iyada oo ka jawaabaysa qoraal sharci ah oo ay soo gudbiyeen Wasiirkii hore ee Maaliyadda  dalkasi Cali Xasan Khaliil iyo Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Khaazi  Zaciiter, iyaga oo ku eedeeyay Garsoore Sawaan wax is daba marsiin iyo hawl gudasha la’aan.

Jimcihii shalay , tiro ka mid ah qoysaskii ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii Dekada Beyruut ayaa waxay ku hor mudaaharaadeen qasriga caddaaladda ee Beyruut si ay u cambaareeyaan go’aanka garsoore Sawaan loga reebay dacwada, dadkan oo sitay boorar ay ku dalbanayaan in  la dadjiyo baaritaannada ku saabsan dhacdadii 4-tii August 2020, taas oo sababtay dhimashada in kabadan 200 oo qof iyo 6,500 oo ruux oo dhawacyo ah, marka lagu daro burburka uu sababay.

10-kii bishii December, ee sanadkii tagay garsoore Sawaan ayaa ku andacooday wasiiro iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalkaasi oo uu sheegay in ay raali ka aheen sii socoshada baaritaanka dhacdadaas, taas oo ka careysiisay xisbiyada siyaasadeed iyo dhibanayaashii uu sameeyay qaraxa.

Intaas ka dib,  garsoore Sawaan ayaa hakiyay baaritaannadisii muddo laba bilood ah, ka dibna dib Maxkamadda Racfaanka ayaa ku soo celisay dhamaan feylalkii uu horgeeyay, taas oo carada sii kordhisay ugu danbeeyna sababtay in guud ahaan dacwadan laga saaro garsoorahii hore, loona magacaabo garsoore cusub.

Baaritaanada la xiriira qaraxan ayaan laga helin wax natiijo ah oo la shaaciyey illaa iyo hadda, inkasta oo ugu yaraan 25 qof loo xiray, oo ay ku jiraan saraakiil sarsare oo qaabilsan maamulka  dekedda Beyruut.

Wasiirka Maaliyadda oo hambalyo u direy madaxa hey’adda caalamiga ah ee maaliyadda IFC

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hambalyo diirran u diray Makhtar Diop oo Madaxweynaha Bangiga Aduunka David Malpass u magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Caalamiga ah Maaliyadda oo ka mid ah 5-ta Hey’adood ee Bangiga aduunka.

Makhtar Diop 6-dii sano ee la soo dhaafay wuxuu ahaa Madaxwyne ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika, waxa kale uu soo noqday wakiilka Bangiga Aduunka ee Soomaaliya, Kenya iyo Brazil.

Wasiir Beyle ayaa ku amaanay mudane Diop kaalintii uu ka geystay dedaalka Soomaaliya ugu jirto Wadahadalada dayn cafinta iyo dib u habeynta nidaamka maamulka Maaliyadda

Makhtar Diop wuxuu u dhashay dalka Senegal wuxuu ka soo noqday Wasiirka Dhaqaalaha dalkiisai, waa qabiir Dhaqaale oo muddo u shaqaynayay hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah.

Hey’adda uu hoggaamin doono ee Maaliyadda Caalamiga IFC ( International Financial Corporation ) waxay shaqadeedu tahay hormarinta dhaqaalaha iyo Dhiiragalinta kobaca nolol maalmeed bulshada iyada oo loo marayo hey’adaha gaarka loo leeyahay ee dalalka soo koraya.

Tirada dadka Karoonaha ugu dhintay Afrika oo 100 kun dhaaftay.

Dadka uu galaaftay xanuunka Karoona ee qaarada Afrika waxay iminka tiradooda kor u dhaaftay 100,000 sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka iyo cilmi baarayaasha Karoonaha

Dalka koonfur afrika ayaa ah kan ugu dhimashada badan guud ahaan qaarada afrika

Koonfur afrika waxaa cudurka uu salfaday 48,859 taas oo ku dhow kala bar dadka afrika Covid-19 ugu dhintay

Afrika oo ka kooban 53 dal waxaa ay la harjadeysaa sidii ay u heli laheyd talaalka Covid-19 kaas oo dhaqaale badan iyo tasiilaad dheeri ah oo dhanka gaarsiinta ah u baahan.

14 February sanadkii 2020 ayaa kiiskii ugu horeeyay Karoona qaarada Afrika waxaa laga diiwaan galiyay dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibada Masar Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoom Danjiraha Soomaaliya

Muqdisho (Ilayska Dalka) 17.02.2021 : Ilyaas Sheekh Cumar Abu Bakar, Danjiraha dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Masar, sidokalana ah wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar  Saamix  Shukri.

Ugu horeeyn Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Dawladda Masar sida wanaagsan ee uu uqaabilay, waxuuna  u  gudbiyey salaan iyo bogaadin uu faray Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, isaga oo  sidokale u rajeeyey caafimaad iyo horumar guud ahaan Shacabka Masar iyo hoggaamiyahooda Madaxweyne  Cabdel Fataax Al-Sisi.

Kulanka  kadib ayuu safiirka Soomaaliya  ee Masar sheegay in uu waxbadan ku soo kordhin doona  xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya  shacabka iyo madaxda  labada dal.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa horay u soo noqday Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga iyo sidokale Safiirka Safaaradda Soomaaliiya ee Masar.

War-Saxaafadeed Laga Soo Saaray Shirkii Guddiga Farsamada ee Magaalada Baydhaba.

Muqdisho (Ilayska Dalka) 17.02.2021 : xalay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu soo geba-gabeeyay shirkii u dhaxeeyay guddiyadii ka kala socday dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyaga oo garay heshiis la xiriira dhanka doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiyada oo ka kooban 14 Xubnood ayaa ka hadlayay caqabadaha heysta doorashooyinka Soomaaliya maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana ay soo saareen War-Saxaafadeed ka kooban Shan qodob, kuwaas oo kala ah.

1: Cabasho laga muujiyay Guddiga Doorashada ay dowladda Magacaawday.

2: Xal u helida guddiga dooraashada Somaliland.

3: Xaalada Gobolka Gedo.

4: Adkeynta Qoondada Haweenka.

5:Jadwalka Qabsoomida Doorashada.

Dhamaan shanta qodob oo ay soo saareen guddiga ayaa waxaa loo gudbiyay madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada si ay uga tashadaan, kadibna ay soo saaraan, iyaga oo wada jira inay isku raaceen qodobada ay soo saareen guddiyada.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa ku baaqay in 18-02-2021 Madaxda muddo xileedkoodu dhamaaday ee Dowlada Federalka,Dowlad Gobeedyda iyo Gobolka Banaadir shir deg deg ah ay isugu yimaadaan, in kastoo aysan shaacin halka rasmiga ah ee shirkasi lagu qabanayo.

Madaxweynaha Dalka Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Sheekh Nuur Baaruud.

Muqdisho (Ilayska Dalka) 17.02.2021 : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee uu marxuumku ka qaatay arrimaha dacwada Islaamka, barbaarinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu kabaxay.

Dowladda Soomaaliya Ayaa Hakisay Xaadirinta Shaqaalaha Dowladda .

Muqdisho (Ilayska Dalka) 17.02.2021 : warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa lagu sheegay in la hakiyay xaadirinta shaqaalaha dowladda si looga hortago faafitaanka covid-19 oo markale kasoo labo kacleeyay gudaha dalka.

 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa tixgelin buuxda siinaysa fayadhowrka, badqabka iyo caafimaadka dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha rayidka ah. Sidoo kale ayaa wasaaradda ayaa waxay tixgelisay go’aankii golaha wasiirada ee howshani quseyso yeesheen 16kii bishan, kaasi oo looga hadlayey ka hortagga laba kaclaynta CONVID19 iyo maareyntiisa.

 

Sidaa darted ayaa wasaaradda waxay ogaysiinaysaa dhammaan hayadaha dowladda laga bilaabo 16.02.2021 in shaqaalaha la yareeyo isu maatankooda ayna ku shaqeeyaan guryahooda iyaga oo adeegsanaya barahooda mareegta. Iyo sidoo kale agaasmayaasha intii aan laga maari karinna yimaadaan goobaha shaqada si loo yareeyo faafidda cudurka.

 

Shirka arrimaha doorashada looga hadlayo oo maalintii 2-aad Baydhabo ka socda

Wasiirka wasaaradda Dastuurka xukuumadda FS mudane Saalax Axmed Jaamac oo ah shir gudoonka gudiga farsamo ee ka socda dawladda FS,dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee shirka arrimaha doorashada looga hadlayaa uga socdo Baydahbo ayaa ka warbixyey habsami u socodka shirka oo maraya maalintii 2-aad.

Waxa uu xusay in shirka oo furmay shalay galab islamarkiiba la guda galay in laga wada hadlo arrimaha la isku khilaafsanyahay ee la xiriira doorashada, sida xaaladda gobolka Gedo, arrinta gudiga doorashada iyo qaabka loo maamulayo doorashada xubnaha Baarlamaanka ka soo galaya deegaanada Somaliland.

Wasiir Saalax ayaa xusay in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xubnaha gudiga kula hadlay aaladda fogaan aragga uu ku baraarujiyey inay hortaal hawl muhiim u ah dalka oo dhan, sidaa darteed ay u shaqeeyaan si mas’uuliyad iyo tanaasul leh.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa u mahadceliyey madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed oo isna la kulmay gudiga kuna booriyey inay go’aano dalka doorasho ku hoggaamiya soo saaraan, waxaana uu ku ammaanay sida wanaagsan ee maamulkiisu shirkan u marti galiyey.