Lubnaan oo Garsoore cusub u magacawaday qaraxii Dekedda Beyruut

Wasiirka Caddaaladda Lubnaan Mariya Kaluud ayaa u magacawday Garsoore Daariq Al-Beydaar inuu hogaamiyo baaritaanka qaraxii ka dhacay dekedda magaalada Beyruut, ka dib markii qaar ka mid ah falalka garsoorahii hore  uu dhaliyay caro dadweyne .

Maxkamadda sare ee  Lubnaan ayaa ka reebtay garsoore Sawaan baaritaanka dacwadan,  iyada oo ka jawaabaysa qoraal sharci ah oo ay soo gudbiyeen Wasiirkii hore ee Maaliyadda  dalkasi Cali Xasan Khaliil iyo Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Khaazi  Zaciiter, iyaga oo ku eedeeyay Garsoore Sawaan wax is daba marsiin iyo hawl gudasha la’aan.

Jimcihii shalay , tiro ka mid ah qoysaskii ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii Dekada Beyruut ayaa waxay ku hor mudaaharaadeen qasriga caddaaladda ee Beyruut si ay u cambaareeyaan go’aanka garsoore Sawaan loga reebay dacwada, dadkan oo sitay boorar ay ku dalbanayaan in  la dadjiyo baaritaannada ku saabsan dhacdadii 4-tii August 2020, taas oo sababtay dhimashada in kabadan 200 oo qof iyo 6,500 oo ruux oo dhawacyo ah, marka lagu daro burburka uu sababay.

10-kii bishii December, ee sanadkii tagay garsoore Sawaan ayaa ku andacooday wasiiro iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalkaasi oo uu sheegay in ay raali ka aheen sii socoshada baaritaanka dhacdadaas, taas oo ka careysiisay xisbiyada siyaasadeed iyo dhibanayaashii uu sameeyay qaraxa.

Intaas ka dib,  garsoore Sawaan ayaa hakiyay baaritaannadisii muddo laba bilood ah, ka dibna dib Maxkamadda Racfaanka ayaa ku soo celisay dhamaan feylalkii uu horgeeyay, taas oo carada sii kordhisay ugu danbeeyna sababtay in guud ahaan dacwadan laga saaro garsoorahii hore, loona magacaabo garsoore cusub.

Baaritaanada la xiriira qaraxan ayaan laga helin wax natiijo ah oo la shaaciyey illaa iyo hadda, inkasta oo ugu yaraan 25 qof loo xiray, oo ay ku jiraan saraakiil sarsare oo qaabilsan maamulka  dekedda Beyruut.