Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Laftagareen ayaa kulan la qaatay Guddiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran, kaas oo shir uu uga socdo magaalada Baydhabo.

Xubnaha Guddiga oo ka kala socda dowladda Federalka, dowlad goboleedyada & Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa ay kala hadleen Arrimaha doorashooyinka dalka iyo sida uu u socdo shirka Guddiga.

Madaxweyne LaftaGareen ayaa xubnaha Guddiga uga warbixiyey Shirarkii la xiriiray doorashooyinka ee horay loosoo qabtay waxa uuna kula dardarmaay Guddiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran in ay dhaxda u xirtaan howsha loo idmaday.

Xubanaha Guddiga oo sii wadan doono shirkooda ayaa la filayaa in ay shirkooda kasoo saaraan qodobo loo gudbiyo Madaxda Sare ee dalka iyo kuwa maamul Goboleedyada Dalka iyo kan Gobolka Banaadir.

        

Tirada kiisaska COVID-19 ee laga heley dalka

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay 90 kiis oo cusub ee COVID-19 ah laga heley dalka, sida lagu faafiyay barta Facebook ee wasaaradda.

Kiisaska ugu badan ayaa laga heley gobolka Banaadir waa 66 kiis, iyadoo Soomaaliland ku soo xigto kiisaska oo gaaraya 19 kiis.

Dhimashada ayaa lagu sheegay in ay tahay labo ruux, iyadoo 11 qof ka bogsoodeen xauunka.

Tirada guud dadka cudurka laga baaray 24 saac ayaa dhan 1,529 qof, iyadoo kiisaska cudurka ee wadanka ay marayaan 5,273, waxaa ka bogsooday 3,750 halka dhimashada guud ahaan ay marayso 154 qof.

Saraakiisha caafimaadka ayaa dadweynaha faraya in ay raacaan tilmaamaha ka hor tagga cudurka sida xirada af-saabka, kala fogaanshaha iyo in si gaar ah oo ilaaliyo dadka da’daha.

Dad badan ayaa ku dhintay doon ku degtay haro ku taal dalka DRC

60 qof ayaa ku dhimatay dad kale oo badana waa la la,yahay kadib markii doon ay  saarnaayeen ku degtay haro ku taala jamhuuriyada dimuqraadiga Congo,DRC

Dowlada DRC ayaa sheegtay in doonta ay ku degtay harada Mai-Ndombe oo ku taala galbeedka dalkaasi.

Steve Mbikayi oo ah wasiirka arimaha bani’aadanimo iyo gargaarka dalka DRC ayaa sheegay in doonta ay siday dad ka badan intii loogu talo galay taana loo maleenayo sababta

Steve Mbikayi wuxuu tilmaamay in ay doonta siday 700 qof

60 qof ayaa meydkooda la helay waxaana la soo badbaadiyay 300 oo kale sida uu sheegay Steve Mbikayi.

Waxaa soconaya gurmad xoog leh oo lagu baadigoobayo dadkii kale ee doonta saarnaa

Kulan looga arinsanayo la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab oo ka furmay Dirirdhaba

Kulan looga hadlayo xaalada amaan ee bariga Itoobiya iyo la dagaallanka Al-Shabaab ayaa ka socda magaalada Dirirdhaba ee dalka Itoobiya .

Wada hadalada ayaa u dhaxeeya gobolada dariska ah oo kala ah Ismaamulka Soomaalida, Cafarta, Oromada iyo maamulka Harar.

Waxaa kulankan guddoominayay taliye ku xigeenka booliska Federaalka Itoobiya Melaku Fenta .

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah saraakiisha amaanka qaabilsan ee Ismaamulada bariga Itoobiya

Waxyaabaha sida weyn diiradda loogu saari doono ayaa waxaa ka mid ah xaaladaha Nabadgelyada iyo la dagaallanka kooxda argagixisada Al-Shabaab .

  

Ra’iisul Wasaare Rooble oo furay shirka Guddiga Farsamada ee Qaban-qaabada Shirka Wadatashiga Qaran “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay shirka Guddiga Farsamada ee Qabanqaabada Shirka Wadatashiga Qaran oo kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha oo habka fogaan aragga uga qeyb galay shirka ayaa guddiga kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo ah u gutaan shaqada loo igmaday.

   

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kormeertay qeybta karantiilka safmarka COVID 19 ee Isbitaal Banaadir “SAWIRRO

Xilli Soomaaliya ay qeyb ka noqotay dalalka uu ku soo laba kacleeyay safmarka COVID-19 ayey Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya oo mudooyinkan waday wacyigeln iyo digniin joogto ah oo ku socota bulshada waxay maanta kormeertay qeybta karantiilka COVID-19 ee Isbitaal Banaadir oo ah goobta labaad ee Wasaaradda caafimaadku u diyaarisay in lagu daryeelo dadka uu haleelo cudurka COVID-19.

Wasiirka ayaa indha indheysay qolalka loo diyaariyay in lagula tacaalo Dadka bukaanka ah, waxayna warbixin ka dhageysatay Agaasimaha Isbitaal Banaadir Marwo Fartuun Shariif Maxamed oo xustay inay si weyn ugu diyaar garoobeyn qaabilaadda iyo la tacaalidda Dadka uu ku dhaco safmarka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Soomaaliya Dr Fowsiya Abiirkar Nuur ayaa Dadka Soomaaliyeed ku boorisay inay raacaan habraacyada bahda caafimaadka si ay uga badbaadaan halista cudurkan.

In ka badan Boqol iyo Konton qof ayaa gudaha Soomaaliya ugu geeriyootay safmarka COVID-19, waxaana hadda muuqata inay sii kordhayaan dadka la dhibaatoonaya soo laba-kaclaynta cudurkan oo tirada guud ee Soomaaliya laga diiwaan geliyay ay cagacageeneyso in kabadan shan kun oo qof.

            

Wasiirka caafimaadka iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis muhiim ah “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ay dowladda Talyaaniga ku taageereyso qaar ka mid ah isbitaalada dalka

Heshiiskan oo ku kacaya Seddex Milyan oo UERO waxay dowladda Talyaaniga ugu talogashay in wax looga qabto qaar ka mid ah isbitaalada dalka, waxaana kala saxiixday Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur iyo safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi.

Heshiiska kadib Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ayaa kormeeray qeybta daryeelka gaarka ah ee dhalaanka cusub oo ay horey u dhistay, una qalabeysay dowladda Talyaaniga, iyadoo qeybtan iyo tan dhalmadaba loogu adeego Dadka danta yar ee ka kala yimaada dalka oo dhan.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya -Danjire Alberto Vecchi ayaa xusay inay sii wadi doonaan tageerada ay ku bixiyaan dhismaha isbitaalada iyo hagaajinta adeegyada caafimaad ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa tilmaamtay in heshiska lala galay safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya uu qeyb ka yahay sidii dowladda Talyaaniga ay Isbitaalada qaar gacan uga geysan lahayd dib u dhis iyo qalabeyn casri ah, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

“Heshiiskan waa mid dowladda Talyaaniga ay ku kaalmeyneyso Isbitaalada Soomaaliya qaarkood, waxaa la qabtay shaqo aad u muhiimsan labadii sano ee ugu dambeysay, waxaan ku faraxsanahay maanta markii uu dhamaaday heshiiska inaan soo tusinay safiirka iyo wafdigiisa kaleba lacagahoodii meelaha ay gashay oo ah meelaha aan kaalmada uga baahanahay, Isbitaal Banaadir waa Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka, qeybta lagu daryeelo carruurta hadda dhashay waxa ay ka mid tahay goobaha lagu dhisay lacagta ay bixisay dowladda Talyaaniga iyo qalabeyntooda” ayay tiri Dr Fowziya Abiikar Nuur.

Wasiir Fowziya ayaa daboolka qaaday in xaruntan ay fursad u noqotay Hooyooyin badan oo aan awoodin inay aadaan isbitaalada sida gaarka ah loo leeyahay, maadaama xarunta ay ku dhameystiranyihiin qalabkii loogu talagalay, isla markaana howlwadeenada caafimadka ay har iyo habeenba u heelanyihiin u adeegidda bulshadooda si lacag la’aan ah.

                       

Dowlada Soomaaliya iyo QM oo billaabay qorshe lagu caawinayo dadka gargaarka bani’aadanimo u baahan

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan arrimaha xiriirka Bini’aaddannimada ee UN-OCHA ayaa sheegtay in maanta lagu daah furay magaalada Muqdisho qorshe balaaran oo looga jawaabayo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira soomaaliya.

Qorshahan ayaa waxaa iska kaashanaya dowlada Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee gacanta ka geysta gargaarka bani’aadanimo.

Qorshaha ayaa u jeedkiisa waxa uu yahay in lagu caawiyo 4 malyuun oo qof kuwaas oo qeyb ka ah 5.9 malyuun oo u baahan gargaar.

Dadka la caawinayo waxaa qeyb ka ah dadka barakacayaasha ah oo ah kuwa ugu badan oo dhibaatada ay heysato.

Madaxweyne Farmaajo ka tacsiyeeyay geerida Senatar Maxamed Yuusuf Xaaji

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka tirsanaa xildhibaannada Aqalka sare ee Dalka Kenya.

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska iyo ehelada Alle ha unaxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan oo muhiim ah kusoo matalay Soomalida Kenya, Waxaan Alle uga baryayaa in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiiyo. Aamiin.”

Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee difaaca dalka Kenya Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan kasoo qabtay Kenya ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xaaji

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Senator,Maxamed Yuusuf Xaaji, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dalka Kenya.

Allaha u naxariistee, Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ahaa Odey Soomaaliyeed oo waxbadan ugu fadhiyay Soomaalida ku nool Kenya iyo guud ahaan bariga Afrika, isagoo aad ugala soo shaqeeyay arrimahooda gaarka ah iyo marxaladdaha soo wajaha.

Senator Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta Soomaalida ee muddada dheer kusoo dhex jiray Maamulka Dowladda iyo Siyaasadda Kenya, isagoo kasoo billaabay heer Degmo, Gobol, Xildhibaan Baarlamaan illaa uu gaaray 2008-2013 in uu noqday Wasiirka Gaashaandhigga.

Marxuum, Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa hadda ahaa Senator laga soo doorto Ismaamulka Gaarisa, wuxuuna xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida la wadaagayaa Soomaalida ku nool dalka Kenya, Dowladda iyo Shacabka, ehelkiisii iyo asxaabtiisii , wuxuuna Marxuumka Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo Aamiin.