Wasiirka caafimaadka iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis muhiim ah “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ay dowladda Talyaaniga ku taageereyso qaar ka mid ah isbitaalada dalka

Heshiiskan oo ku kacaya Seddex Milyan oo UERO waxay dowladda Talyaaniga ugu talogashay in wax looga qabto qaar ka mid ah isbitaalada dalka, waxaana kala saxiixday Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur iyo safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi.

Heshiiska kadib Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ayaa kormeeray qeybta daryeelka gaarka ah ee dhalaanka cusub oo ay horey u dhistay, una qalabeysay dowladda Talyaaniga, iyadoo qeybtan iyo tan dhalmadaba loogu adeego Dadka danta yar ee ka kala yimaada dalka oo dhan.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya -Danjire Alberto Vecchi ayaa xusay inay sii wadi doonaan tageerada ay ku bixiyaan dhismaha isbitaalada iyo hagaajinta adeegyada caafimaad ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa tilmaamtay in heshiska lala galay safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya uu qeyb ka yahay sidii dowladda Talyaaniga ay Isbitaalada qaar gacan uga geysan lahayd dib u dhis iyo qalabeyn casri ah, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

“Heshiiskan waa mid dowladda Talyaaniga ay ku kaalmeyneyso Isbitaalada Soomaaliya qaarkood, waxaa la qabtay shaqo aad u muhiimsan labadii sano ee ugu dambeysay, waxaan ku faraxsanahay maanta markii uu dhamaaday heshiiska inaan soo tusinay safiirka iyo wafdigiisa kaleba lacagahoodii meelaha ay gashay oo ah meelaha aan kaalmada uga baahanahay, Isbitaal Banaadir waa Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka, qeybta lagu daryeelo carruurta hadda dhashay waxa ay ka mid tahay goobaha lagu dhisay lacagta ay bixisay dowladda Talyaaniga iyo qalabeyntooda” ayay tiri Dr Fowziya Abiikar Nuur.

Wasiir Fowziya ayaa daboolka qaaday in xaruntan ay fursad u noqotay Hooyooyin badan oo aan awoodin inay aadaan isbitaalada sida gaarka ah loo leeyahay, maadaama xarunta ay ku dhameystiranyihiin qalabkii loogu talagalay, isla markaana howlwadeenada caafimadka ay har iyo habeenba u heelanyihiin u adeegidda bulshadooda si lacag la’aan ah.