Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Senatar Maxamed Yuusuf Xaaji

Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane; Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo eheladadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay Senatar, Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka tirsanaa xildhibaanada dalka Kenya.

Mudane; Rooble ayaa boggiisa Twitterka ku sheegay inuu Xildhibaanku ahaa Oday Soomaaliyeed iyo siyaasi rug caddaa ah oo saamayn iyo qiima weyn ku lahaa geyiga Soomaaliyeed iyo guud ahaa geeska Afrika.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa marxuumka Alle ugu baryay inuu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelada uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Dood ku saabsan arrimaha tahriibka oo lagu qabtay dalka Masar

Qaxootiga Soomaalida ee ku nool magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar oo ka qeyb-galay barnaamijyo taxanayaal ah oo ay daadihisay Ifraax Axmed, oo ah gabar u ololeeysa arrimaha bulshada ayaa ka hadlay mid kamid ah dhibaatooyinka ugu xun ee maanta ay wajahayaan Soomaalidda.

Saddex gabdhood iyo saddex wiil oo dhammaantood waaya-arag u ah arrimaha tahriibka ayaa qeyb-ta koowaad ee barnaamijka kaga hadlay sababaha dhallinyarada Soomaaliyeed ku qasbaya in ay aadaan safarka halista badan oo ay dhibaatooyin badan kala kulmaan jidka iyo sababta mukhalasiinta ay uga dhaadhiciyaan dhallinyarada in ay si nabad ah ku geynayaan Yurub.

Mid kamid ah dadka ayaa ka sheekeysay sheekadeeda gaarka ah. “Dalkeeyga dagaallo sokeeye ayaa ka jiray markii aan tahriibay, waxaan ka imid Mogadishu, deriskayagii way qaxeen, laakiin aniga waan iska joogay sababtoo ah waxaan ilaalinayay gurigeenna, kaddib waxaan arkay xaaladdu inay kasii darayso maalinba maalinta ka dambaysa, waxaan go’aansaday inaan cararo, waxay ahayd go’aankeyga shaqsiyeed,dhibaatooyin kale oo badan ayaa sidoo kale jiray.

“Inta badan ka qeyb-galayaashu waxay isku raaceen in amni darada ay tahay sababta ugu weyn ee dhallintu ay uga cararaan dalkooda Soomaaliya, laakiin inbadan oo kamid ah waxay qabaan dhibaatooyin kale, sida shaqo la’aan iyo rajo beel dhinaca mustaqbalka ah. Mukhalasiinta waxaa ay ku sababaan dhallinyarada sheekooyin iyo balanqaadyada macaan, waxaana ay u sheegayaan dhallinyarada in safarka ay ku tagayaan Yurub uu yahay mid fudud, ammaan ah, oo gaaban. Mid ka mid ah haweenka ka qeyb-gashay barnaamijka ayaa tiri: “Weli waxaan xasuustaa sidii farxada laheyd ee uu mukhalaska iiga qaatay lacagtayda. Anniga kaliya ma uusan i dhicin, laakiin sidoo kale dad badan oo Soomaaliyeed ayuu dhacay. Mukhalaska waxaa uu dhacay dad badan, xitaa qaar kamid ah dadka ayuu iibsaday.

“Marka safarkooda uu bilowdo, tahriibayaasha waxaa ay haliso aan lasoo koobi karin ay kala kulmi doonaan doomo si xad dhaaf ah dad loogu soo raray, dhulka saxaraha ama gacanta kuwa dadka afduubta. Tahriibayaasha waxaa ay goob-joog u noqon doonaan dhibaatooyin aan laga sheekeyn karin, kuwo badan oo kamid ah tahriibayaasha ma badnaadi doonaan,” gabar kale oo ka qeyb-gashay barnaamijka oo ka hadlaysay khibradeeda naxdinta leh ayaa sidaasi tiri.

“Kuwa ka ganacsada waxyaabaha sharci darrada ah ayaa na afduubtay. Qaar naga mid ah ayaa adoon ahaan loo iibiyay. Dadka qaar ayaa lagu qasbay inay ku biiraan kooxdeena, xitaa haddii aysan rabin inay safraan. Mukhalisiinta ayaa xoog ku qaatay. Qaarkeen ayaa si xun loo garaacay qaarna xitaa waa dhinteen. Qaar baa waxaa ka lumay oggaalkooda. Tahriib ma sahlana. Mukhalisiinta wax ay tahriibka ka dhigayaan wax fudud, laakiin waxaa jirta khatar dhab ah.

” Xubnahii ka qeyb-galay barnaamijyada ayaa isku raacay in sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo ku dhimashada tahriibka ay tahay in la faafiyo runta ku saabsan waxa ku dhaca dadka tahriibaya ama tahriibayaasha. Laakiin dhibka jira ayaa ah in dhalinyarada Soomaaliya aysan dhageysan doonin digniinaha.

Borobogaandada mukhalasiinta aad ayey u xooggantahay. xitaa marka kuwii kasoo badbaaday tahriibka ay dib ugu soo noqdaan guryahooda oo ay ka sheekeyaan wixii ay kala soo kulmeen tahriibka, dadku wey diidaan in ay rumeystaan.

Mid ka mid ah sababaha arrimahan dhiiragelinaya waa fariimaha dhagarta ah ee dadka ay soo dhigayaan baraha bulshada. Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ku nool Yurub iyo meelo kale oo iska dhigaya inay nolol wanaagsan heystaan ayaa soo bandhigaya sawirro iyaga oo xiran dhar qurxoon oo hor taagan gawaarida raaxada. Xubnaha ka qeyb-galay barnaamijka ayaa dhammaantood isku raacay in sheekooyinkaasi iyo sawirradaasi beenta ah ay sii xoojinayaan mukhalasiinta. Halka qaar kamid ah dadka qurbaha ku nool oo aan rabin in wajigooda la arko ay sheegeen in aysan heysanin daqli soo galo isla markaana ay gaajeysanyihiin, halkan dooda noocaasi ah ay noqotay mid xamaasad leh.

“Waxaan ugu yeeri lahaa baraha bulshada wakiiladda mukhalisiinta,” ayuu yiri nin. Haweeney ayaa ka soo dhex-gashay oo tiri: “Waxaad arki doontaa dad aan dabooli karin baahiyahooda aasaasiga ah, in sawirro qurxu badan ay soo dhigaan baraha bulshada. Markaas dadku waxay aaminayaan in dadkaasi ay nolosha ku raaxeysanayaan oo ay baashaalayaan.

” Gabagabadii, Ifraax Axmed oo xiriirineysay barnaamijka ayaa uga mahadcelisay ka qeyb-galayaasha doodoodda xiisaha badan, taas oo ka qeyb ka qaadan doonta wacyigalinta dhallinyarada ee khatarta tahriibka.

3-Qof oo cudurka Ebola ugu geeriyootay dalka Guinea

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Guinea ayaa sheegtay in seddex qof ugu geeriyootay dalkaas cudurka Ebola.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Guinea ayaa looga dalbaday hay’aadda caafimaadka adduunka inay si deg deg ah tallaal ula soo gaarto si looga baaqsado in cudurku kusii  faafo dalka iyo qaaradda Africa.

Dhanka kale, agaasimaha hay’adda caafimaadka u qaabilsan Afrika Machidisu Moeti, ayaa muujisay sida ay uga walaacsan tahay inuu mar kale soo laabto cudurka Ebola.

Moeti ayaa intaas ku dartay inay ka shaqeeynayaan sidii la isaga kaashan lahaa ka hor tagga cudurka dilaaga ah ee  Ebola.

Cudurka Ebola  ayaa markii ugu horaysay ka dillaacay galbeedka Afrika sanaddii 2013.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan sagootin ah la qaatay safiirka Ingiriiska u fadhiyay Soomaaliya+Sawirro

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaliya Mudane, Ben Fender kaasi oo ay u dhamaatay muddaadii shaqadiisa.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriiirka ka dhaxeeya labda dal.

Safiirka Ingiriiska u joogay Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka iyo sida loogu fududeeyay inuu guto howlihiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa uga mahadceliyey safiirka kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo u rajeeyey safiirka mustaqabl wanaasgan.

  

Wasiirkii hore ee difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo Geeriyooday

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaalida ee dalkaas.

Alle ha u naxariistee Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ku geeriyooday da’da 80-jirka, wuxuuna ahaa senetarka ismaamulka Gaarisa, kana tirsanaa aqalka sare ee dalka Kenya.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo xaqiijiyay geerida Marxuumka ayaa sheegay in afar ilaa iyo shan bilood uu xanuunsanayay,islamarkaana daaweyn caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga.

Maxamed Yuusf Xaaji ayaa muddooyinkii dambe hogaaminayay guddi loo xil saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya.

Wuxuu sidoo kale soo noqday Guddoomiyaha gobolka Rift valley intii u dhexeysay 1970 iyo 1998 iyo xildhibaankii deegaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa

Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay falalkii ugu danbeeyay ee aragagixisadu ka geysatay Soomaaliya

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii ugu danbeeyay ee argagixisadu ka geysatay dalka Soomaaliya kuwaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Bayaan ka soo baxay ururka iskaashiga islaamka ayaa lagu sheegay in ay tahay arrin fool xun falalka kooxaha argagixisadu geysanayaan, iyadoo lagu jiro diyaar-gawroowga doorashooyinka guud ee Soomaaliya.

Ururka ayaa uga tacsiyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed dadkii ku dhintay weeraradii ugu danbeeyay, wuxuuna caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Ururka Iskaashiga Islaamku garab taagan yahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ku garab siinayaan sidii looga guuleysan lahaa kooxaha argagixisada.

Barlamaanka Jaamacadda Carabta oo soo dhaweeyay Shirka golaha wadatashiga Qaranka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi ayaa soo dhaweeyay shirka golaha wadatashiga qaranka ee udhaxeeyay madaxda dowladda federaalka,kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

“Waxaan soo dhoweyneynaa wadahadalka qaran ee Soomaaliya waxaana ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada is haya inay si wax ku ool ah uga wada shaqeeyaan arrintan oo ah masiirka dadka Soomaaliyeed.

Mudane Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, wuxuu sidoo kale soo dhoweeyay baaqii ka soo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ee ahaa in la qabto wadahadal wadatashi ah bishaan Febraayo 15-keeda iyo 17-keeda, si loo gaaro hishiis loona qabto doorasho la isku raacsan yahay, sidoo kalana laga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida dalka isla markaana laga gudbo dhibaatooyinka horyaal u diyaargarowga doorashooyinka guud ee dalka, iyadoo loo marayo qaab wada tashi ah, kaasi oo ka dhabeeynaya himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee qaaliga ah is ay ugu noolaadaan amni iyo horumar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta wuxuu ugu baaqaya dhammaan dhinacyada Jamhuuriyadda Federlka Soomaaliya inay si wax ku ool ah uga qayb-galaan wadahadalkaan oo ay muhiimada koowaad siiyaan danaha guud ee qaranka , si loo gaaro heshiis qaran oo ballaaran kaasi oo ogolaanaya, qabashada doorashooyinka qaranka sida ugu dhakhsaha badan, si kor loogu qaado amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Soomaaliya, meelna looga soo wada jeesto ururada argagixisada xagjirka ah ee khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.

Al-Casumi wuxuu cadeeyay mowqifka adag ee baarlamaanka carabta ee ku Aadan taageerad dhammaan dadaalada loogu talagalay in lagu gaaro is afgarad qaran oo dhameystiran isaga oo ugu baaqay wadamada carabta inay xoojiyaan furfurnaantooda ayna horumariyaan xiriirkooda Jamhuuriyada. Soomaaliya heer kasta iyo dhinac walba.

Ra’iisul wasaaraha dalka oo faray hay’addaha amniga inay furaan isgoyska Dabka

Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hay’addaha amniga inay furaan isgoyska Dabka oo xalay la xiray.
Ra’isul wasaare Rooble oo bartiiisa faceboka ku daabacay qoraal ayaa faray hay’addaha amniga inay si deg deg ah ufuraan wadada danka.
Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaa oo bilaabay Tababar

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal(GHDHF) oo kaashanaya qaybta amniga ee AMISOM ayaa bilaabay tababarka bedqabka doorashada iyo dadka ka shaqaynaya. Tababarkaan ayaa waxa ka qayb gelayaa Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal , Xalinta khilaafadka iyo Guddiyada Heer Maamul Goboleed, wuxuuna socon doona 14 ilaa 15 Febaraayo.

Guddoomiyaha GHDHF Mudane Maxamed Xasan Maxamed oo furay tababarka ayaa sheegay in duruufaha ku xeeran doorashada, goobaha cod bixinta iyo masuuliyadda hirgelinta doorasho ee saaran ay muhiim u tahay in xubnaha Guddiyada kala duwan ee hirgelinaya doorashada ay helaan tababarro ku saabsan bedqabka iyo dadka doorashada ka shaqaynaya.

Taliyaha Booliiska AMISOM, AIGP Augustine Magnus Kaille ayaa sheegay in iyagoo qayb ka ah guddiga isku dhafka ee Amniga doorashada uu tababarkan u keenayo hab isku xiran oo ay ku wada shaqeeyaan qaybaha fulinta doorashada iyo dhinacyada amniga qaabilsan.

Major Gen. Sadiiq Aadan Cali oo ah Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed, Xoghayaha guddiga isku dhafka ah ee amniga doroashooyinka Qaranka ayaa sheegay in wada shaqaynta AMISOM, ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo guddiyada hirgelinaya doroashada ay u tahay muhiim in amniga doorashada la sugo, lagana fogaado wax kastoo keeni kara ammaan darro.

Ugu dambeyn tababarkaan ayaa qayb ka ah diyaar garowga Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed ugu jiraan fulinta doorashada 2021 oo la rajaynayo in wakhti dhow ay wadanka ka qabsoonto.

    

Boliiska Soomaaliya oo baaraya Haween lagu dilay Muqdisho

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno la xiriira cidda ka dambeysay dilka Saddex Haween ah oo Saakay aroortii ka dhacay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Haweenkani oo laba ka mid ahi ay xaamilo ahaayeen la dilay xilli ay kusii jeedeen goobtooda shaqo, iyadoo la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen Argagixisada Al-Shabaab.

Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah ku dilaan Kooxaha Argagixisadda ah.