Wasiirka Difaaca XFS oo kormeeray Xarunta Idaacadda Ciidamada Qalabka sida+Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji  ayaa kormeer shaqo ku tagay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida (SNA Radio), wuxuuna kulan la qaatay Maamulka iyo Shaqaalaha Idaacadda Ciidamada Qalabka sida.

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa  Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka kula kulmay Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe, iyagoo ka wada hadlay Tayeynta iyo Horumarinta Warbaahinta ku hadasha Afka Ciidamada Qalabka Sida  ,

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dadaal muuqda iyo Horumar la taaban karo idaacadda Ciidamada ay sameysay mudadii ay jirtay.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ugu mahadceliyay shaqada adag ee qaranka ay u hayaan Shaqalaaha iyo howlwadeenada Idaacadda SNA Radio, isagoo tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siinayaan Idaacadda ,wuxuuna hambalyo ku aadan Maalinta Raadiyaha Aduunka uu la wadaagay Shaqaalaha SNA Radio iyo Dhammaan idaacadaha  ku hadla afka Soomaaliga ,

Si kastaba Wasaaradda Gaashandhigga XFS ayaa wada dadaalo Lagu horumarinayo Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida.

   

Ciidanka Kumaandooska Danab oo gacanta ku dhigay gaari walxaha qarxo laga soo buuxiyey.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari Hoomey ah oo nabadiidka Al-shabaab ay ku diyaariyeen walaxaha qaraxa , howlgalkaan lagu soo qabtay gaariga hoomeyga ah ee lagu diyaariye walaxaha qaraxa ayaa laga fuliye tuulada Cad Cadeey ee Degmada Afgooye gobolka Shabellaha Hoose.

Gaarigaan Hoomeyga ah ayaa in mudo ah lagu diyaarinayay walaxa qaraxa waxaana la sheegay in nabadiidka Al-shabaab rabeen in ay ku weeraraan Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalooyinka Muqdisho iyo labada Shabelle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay gaariga ciidamada ay howlgalka ku qabteen uu ahaa gaari Hoomey ah isla Markaana lagu diyaariye walxaha qaraxa.

Saraakiisha Danab waxa ay sidoo kale sheegeen in gaariga Hoomeyga ah ee lagu diyaariyey walaxa qarxa Al-Shabaab doonayeen in ay ku gumaadaan shacabka ku dhaqan gobolada Banaadir iyo labada shabelle.

Ugu dambeyntii Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Xogta gaariga qaraxyada lagu diyaariye ay soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan Tuulada Cad Cadeey ee degmada Afgooye.

War Saxaafadeed Ay Soo Saartay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Oo Ku Saabsan Tallaalka CONVID19.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay qorsheynaysaa in Tallaalka Caabuqa Coronavirus-ka ay gaarsiiso guud ahaan dalka, iyadoo Qeybta ugu horreeysa tallaalka dalka lakeeno doono bishaan aan ku jirno ee febraayo 2021. Ujeedada waxay tahay in dadka soomaaliyeed laga tallaalo xanuunka karoonaha ayadoo tallaalka uu yeelan doono wajiyo kala duwan, sida ku cad qodobada hoose:
1. Shaqaalaha Safka hore: waxa Talaalka qaadan doona Dhammaan shaqaalaha Caafimaad ee ka hawlgala xarumaha guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, shaqaalaha ku sugan Marinada lagsoo galo dalka sida koontaroollada Xuddudaha dalka, garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo wadooyinka laga galo magaalooyinka, shaqaalaha dowladaha hoose ee sida maalinlaha ah ula falgala dadka ay u adeegayaan iyo macallimiinta.
2. Dadka da’da ah (50jir iyo wixii ka weyn)
3. Dadka sida gaarka ah ula tacaala xanuunada ee qaba xanuunada hoos u dhiga difaaca jirka ama si joogto ah ula nool xanuunada
Nooca Tallaalka ee Soomaaliya la keenayo ayaa ah AstraZeneca/Oxford vaccine qiyaasta wajiga hore la heli doono ayaa ah 1,224,000. Tallaalkan waxaa lagu keydin karaa heer kulul u dhaxeeya (2-8) cabbirka heer kulka ee degree centigrade taasoo macnaheedu yahay in lagu kaydin karo habka qaboojiyaha tallaalada ee dalkeennu leeyahay.
Wasaaradda Caafimaadka ayadoo si dhow ula shaqeyneysa hay’adaha WHO, UNICEF iyo Hay’adaha kale ee Caafimaadka kala shaqeeya waxay sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabi doontaa Bixinta tallaalka COVID-19 isla marka ay timaado qeybta ugu horreeysa ee tallaalka.
Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya waxay mudnaanta siisay diyaarinta habraacyada iyo Istaraatiijiyadda Tallaalka ayadoo kaashanaysa Hay’adaha bahwadaagta la’ah taasoo awood u siin doonta marka ugu horreysa inay tallaalka qataan shaqaalaha safka hore iyo dadka lanool cudurada halista u ah.
Guud ahaan tirade guud ee tallaalka la gaarsiin doono waa 3,000,000 (saddex milyan) oo qof, tiradaas oo si gaar ah looga tallaali doono xanuunka coronavirus. Qabashada ololayaasha dalka wuxuu uleeyahay qibrad maadama sanadihii hore la qaban jiray ololayaal kala duwan sida Dabeysha iyo jadeecada, isagoo dalku uu ka faaiidaysan doono khibraddaas aan mudada dheer u leenahay qabashada ololayaasha, waxaa inoo sahlanaan doonto bixinta tallaalka COVID-19.
Guddiga Qaran ee ka shaqeynta tallaalka COVID-19 ee la Sameeyey bishii November ee sanadkii tagay 2020 waxay gundhig u ahaayeen dhisidda iyo billaabidda maamulka ama Hay’adda Hay’adda Qaran ee maamusha Daawada iyo Tallaalada Qaranka ee kumeel gaarka ah si ay u qiimeyso oo u kormeerto shuruucda Isticmaalka , Tayada iyo badqabka tallaalka.
Somaaliya illaa iyo hadda waxay xaqjiisay helidda tallaal ku filan 20% dhamaan Bulshada, taasoo dabooli doonta inta badan dadka nugul ee aan kor kusoo sheegnay. Dowladdu waxey ku dadalaysaa sidii dhaqaale kale loogu heli lahaay in dhamaan bulshada hesho Talaalka.

Puntland Oo Soo Dhaweysay Shirka Uu Ku Dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Ilayska Dalka) 10.02.2021 : Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta rasmiga ah ee madaxtooyada Puntland ku leedahay Facebook ayaa lagu soo dhaweeyay shirka 15 bishan uu iclaamiyay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaas oo looga hadlayo meel marinta heshiiskii doorashada 17 September ay wada galeen madaxda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xalay ku dhawaaqay in 15 bishan Febraayo, magaalada Garoowe uu dib uga bilaaban doona shirka madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga arrinsan doono doorashada dalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dadaalaya, sidii dalka uga  qabsoomi laheyd doorasho la wada ogol yahay si ay u soo baxdo natiijo lagu wada qanacsan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Maanta Hor Tagaya Golaha Shacabka

Muqdisho (Ilayska Dalka) 10.02.2021 : Ra’Isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa uu khudbad ku saabsan wax qabadka xukuumadda ee 100 maalin ka hor jeedin doonaa Golaha Shacabka, sida guddoonku sheegay.

Fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha Shacabka ayaa loogu qeybiyey buug tilmaamay waxyaabihii u qabsoomay 100ka maalmood ee uu Ra’iisal wasaaruhu xilka hayey, kaasi si faahfaahsan buugga u qeexaya howlihii hortebinta lahaa ee uu qabtay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

 

Madaxweyne Farmaajo Oo Shir Isugu Yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir

Muqdisho (Ilayska Dalka) 10.02.2021 : Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.

Turkiga oo ugu baaqay muwaadiniintiisa ku sugan Myanmar inay ka fogaadaan goobaha banaanbaxyada.

Turkiga ayaa ugu baaqay muwaadiniintiisa ku sugan Myanmar inay ka fogaadaan goobaha banaanbaxyada

Safaaradda dalka Turkiga ee Myanmar ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay muujiyaan taxaddar badan kana fogaadaan meelaha ay ka socdaan banaanbaxyada ka dhacaya magaalooyinka kala duwan ee dalkaas
Bayaan kasoo baxay safaaradda ayaa looga sheegay muwaadiniinta Turkiga ah inay ku sugnaadaan guryahooda inta ay ka degeyso xaaladda dalka Myanmar.
Bayaanka ayaa sidoo kale ku war geliyay muwaadiniinta inay safaaradda laso xariiraan haddii ay dareemaan halis.
1-dii February, waxaa talada dalka Myanmar la wareegay ciidmada militeriga iyagoo xirxiray mas’uuliyiintii xisibigii xukumaayay dalka.
Mudaharaadyo looga soo hor jeedo afgenibigii ciidanka ayaa ka socda magaalooyinka kala duwan ee dalkaas

Pakistan oo ku dhawaaqday in ay martigelin doonto ciidamo badd oo ka socda 45 dal, oo ay ku jiraan Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka.

Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay martigelin doonto ciidamo badd oo ka socda 45 dal, oo ay ku jiraan Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka, si ay dhoolatus milateri oo wada jir ahi ay uga sameeyaan Badda Waqooyiga Carabiya dabayaaqada bishan.
Waxa ay noqon doontaa markii ugu horreysay muddo toban sano ah oo maraakiibta badda ee Ruushka ay ka qeyb galaan dhoolatus ay xubno badan oo NATO ka tirsan ay qeyb ka yihiin.
Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in dhoolatuskan caalamiga ah ee “AMAN” (Peace) ee dalalkan ay ka wadaan biyaha Pakistan looga gol leeyahay in lagu kobciyo iskaashiga caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeeda, argagixisada iyo dambiyada kale ee qatarta ku ah amniga iyo xasiloonida badda.
Ingiriiska, Turkiga, Bangladesh, Sri Lanka, Indonesia, Malaysia iyo dalal ka socda Midowga Afrika ayaa sidoo kale ka mid ah layliga milatari .
Markii ugu dambeysay ee ciidamada badda ee Ruushka ay dhoolatus milateri oo wadajir ah la sameeyaan xubno ka tirsan NATO ayaa waxa ay aheyd dhoolatuskii “Bold Monarch” ee sanadkii 2011, kaas oo ka dhacay xeebta Spain.
Xiriirka NATO iyo Moscow ayaa xumaaday tan iyo markii uu Ruushka qabsaday Jasiiradda Crimea ee Ukraine sanadkii 2014-kii.

Messi oo mar kale badbaadiyay Barcelona xilli uu kursiga keydka ku soo bilowday.

Xiddiga reer Argentina ayaa kursiga keydka ka soo kacay si uu wax ugu badalo ciyaar ay Real Betis hogaanka u heysay, iyadoo ay xusid mudantahay in mustaqbalka xiddiga uu meel xun marayo.
Lionel Messi ayy fadhiistay tarabuunka Estadio Benito Villamarin intii lagu jiray qeybtii hore ee kulankii Barcelona iyo Real Betis ee ku soo dhamaaday Real Betis 2-3 Barcelona.
Ronald Koeman ayaana inta badan kala fahamsaneyn kooxaha waaweeyn ee La liga iyadoo Betis oo ka mid ah kooxaha waaweyn uu ciyartoy dhowr ah dhigay keydka.
Messi ayaa markii uu ciyaarta soo galay daqiiqad ka diba dhaliyay goolka bar-baraha iyadoo 10 daqiiqo ka dibna uu ka soo shaqeeyay goolka labaad ee Barce.

Inta Jeer Ee Madaxweyne Farmaajo Tanaasul U Sameeyey Doorashooyinka Dalka

Muqdisho,Ilayskadalka-1. 5-tii Juun 2018-kii, Shirkii Baydhabo, waxaa heshiis lagu gaadhey in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ah nooca hal deegaan doorasho (Single Constituenty), markii sharcigii doorashadaas ay Xukuumaddu diyaarisay, ayaa Baarlamaanku diiday, mid cusub oo qof iyo cod Majoritarian ah keeneen. Madaxweynuhu wuu u tanaasulay, lana qaatay.

2. Sharcigii Baarlamaanku keenay ee qof iyo cod ee Majoritarian-ka ahaa ayaa maamullada Puntland iyo Jubbaland diideen. Kadib, I4-kii Juun 2020, Madaxweynuhu wuxuu shir kuwada casuumay maamullada. Casuumaddiisii inta ay diideen ayay Dhuusamareeb ku shireen, ka dibna Madaxweynaha ku casuumeen. Isaga oo gogoshiisii ay diideen, ayuu mar kale u tanaasuley oo toodii aqbalay.

3. Shirkii Samareeb Saddex ayaa Dowlad Goboleedyadu ku diideen sharcigii doorashooyinka ee qof iyo cod. Madaxweynuhu, waa uu u tanaasulay, waxa uu la qaatay noocii ay soo jeediyeen ee doorasho deegaamaysan. Misna waxaa taas diidey Puntland iyo Jubbaland.

4. Sabteembar 2020, Madaxweynuhu waxa uu Muqdisho shir ku wada casuumey Dowlad Goboleedyada. Madaxweynuhu waa uu u tanaasuley, isaga oo ku yiri: “wixii aad ku heshiisaan baan idin la qaadane, soo qora idinku” Waxaa sidaas ku yimid heshiiska 17-ka Sabteembar.

5. Heshiiskaa 17-ka Sabteembar, keliya waxaa uu Mdaxweyne Farmaajo soo jeediyey in loogu daro labo qodob oo kala ahaa, 1. in Guddigii Doorashooyinka Qaran ay doorashada qabtaan. 2. In haweenka tartamaya qarashka diiwaan gelinta laga yareeyo. Labadii ba waa laga diidey. Kuma uu san dhegine, waa u tanaasuley.

6. Ka dib markii heshiiskii 17-ka Sabteembar ay Jubbaland iyo Puntland diideen in ay fuliyaan, Madaxweynuhu wuxuu ergo ahaan ugu diray Ra’iisul Wasaaraha XFS, kadibna, Madaxweyne Qoorqoor. Waxa ay u soo dhiibeen saddex dalab. Markii uu saddexdoodii shuruudood Madaxweyne Qoorqoor dowladda u keenay, Madaxweynuhu wuu wada aqbalay, saddexdii shardi. Balse iyaga ayaa dib u gurtay.

7. Isaga oo shan bilood ku baaqayey, dedaalna geliyey in la fuliyo heshiiskii, ayaa uu si xal loo gaaro, hore na loogu socdo, Madaxweynuhu mar kale Samareeb ku casuumey Dowlad Goboleedyada si loo xalliyo waxyaabaha hortaagan fulinta heshiiska. Taas oo muujinaysa heerka uu Madaxweynuhu u tudhayo Dalka iyo ka go’naanshihiisa in doorasho la aado.

8. Markii shirkii Samareeb afar la isugu tegey, Madaxweynuhu waxa uu tanaasul ka muujiyey dhammaan qodobbadii ay xujada ka dhigteen qolyaha diidanaa fulinta heshiiska. Waxaa uu aqbalay: 1. in Cabdixaashi xubno laga siiyo Guddiga Gobollada Waqooyi. 2. In xubnaha guddiga ee laga cawdey la beddelayo 3. In dhammaan xalalkii dhexdhexaadinta Gedo ee la soo jeediyey uu mid walba aqbalay. Balse, mar walba xujo hor leh ayaa ay ku gudbayeen.

9.Mar walba oo ay dalab hor leh soojeediyaan ba, Madaxweynuhu, si uu wadajirka Qaranka u dhawro waa u tanaasulayey. Basle markii uu xujo furo si hore loogu socdo, mid hor leh ayay keenayeen si aan loo dhaqaaqin. Xaalkoodu waxa uu noqday, Maantana farbaa maydh la’ iyo marmarsiinyaa muska ii galay.