Puntland Oo Soo Dhaweysay Shirka Uu Ku Dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Ilayska Dalka) 10.02.2021 : Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta rasmiga ah ee madaxtooyada Puntland ku leedahay Facebook ayaa lagu soo dhaweeyay shirka 15 bishan uu iclaamiyay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaas oo looga hadlayo meel marinta heshiiskii doorashada 17 September ay wada galeen madaxda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xalay ku dhawaaqay in 15 bishan Febraayo, magaalada Garoowe uu dib uga bilaaban doona shirka madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga arrinsan doono doorashada dalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dadaalaya, sidii dalka uga  qabsoomi laheyd doorasho la wada ogol yahay si ay u soo baxdo natiijo lagu wada qanacsan yahay.