Messi oo mar kale badbaadiyay Barcelona xilli uu kursiga keydka ku soo bilowday.

Xiddiga reer Argentina ayaa kursiga keydka ka soo kacay si uu wax ugu badalo ciyaar ay Real Betis hogaanka u heysay, iyadoo ay xusid mudantahay in mustaqbalka xiddiga uu meel xun marayo.
Lionel Messi ayy fadhiistay tarabuunka Estadio Benito Villamarin intii lagu jiray qeybtii hore ee kulankii Barcelona iyo Real Betis ee ku soo dhamaaday Real Betis 2-3 Barcelona.
Ronald Koeman ayaana inta badan kala fahamsaneyn kooxaha waaweeyn ee La liga iyadoo Betis oo ka mid ah kooxaha waaweyn uu ciyartoy dhowr ah dhigay keydka.
Messi ayaa markii uu ciyaarta soo galay daqiiqad ka diba dhaliyay goolka bar-baraha iyadoo 10 daqiiqo ka dibna uu ka soo shaqeeyay goolka labaad ee Barce.