Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Maanta Hor Tagaya Golaha Shacabka

Muqdisho (Ilayska Dalka) 10.02.2021 : Ra’Isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa uu khudbad ku saabsan wax qabadka xukuumadda ee 100 maalin ka hor jeedin doonaa Golaha Shacabka, sida guddoonku sheegay.

Fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha Shacabka ayaa loogu qeybiyey buug tilmaamay waxyaabihii u qabsoomay 100ka maalmood ee uu Ra’iisal wasaaruhu xilka hayey, kaasi si faahfaahsan buugga u qeexaya howlihii hortebinta lahaa ee uu qabtay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.