Turkiga oo ugu baaqay muwaadiniintiisa ku sugan Myanmar inay ka fogaadaan goobaha banaanbaxyada.

Turkiga ayaa ugu baaqay muwaadiniintiisa ku sugan Myanmar inay ka fogaadaan goobaha banaanbaxyada

Safaaradda dalka Turkiga ee Myanmar ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay muujiyaan taxaddar badan kana fogaadaan meelaha ay ka socdaan banaanbaxyada ka dhacaya magaalooyinka kala duwan ee dalkaas
Bayaan kasoo baxay safaaradda ayaa looga sheegay muwaadiniinta Turkiga ah inay ku sugnaadaan guryahooda inta ay ka degeyso xaaladda dalka Myanmar.
Bayaanka ayaa sidoo kale ku war geliyay muwaadiniinta inay safaaradda laso xariiraan haddii ay dareemaan halis.
1-dii February, waxaa talada dalka Myanmar la wareegay ciidmada militeriga iyagoo xirxiray mas’uuliyiintii xisibigii xukumaayay dalka.
Mudaharaadyo looga soo hor jeedo afgenibigii ciidanka ayaa ka socda magaalooyinka kala duwan ee dalkaas