Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhiga XFS oo Kormeeray Taliska Ciidanka Badda

Muqdisho (Ilayska Dalka) 08.02.2021 : Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa maanta kormeeray taliska ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna Saraakiisha ciidanka ka dhageystay heerarka kala duwan uu soo maray ciidanka Badda iyo howlaha horyaala.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa xarunta ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ku soo dhoweeyay Taliyaha ciidanka Admiral Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Badda.

Admiral Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga uga warbixiyay howaha hortebinta u leh taliska.

Wuxuu sheegay Wasiir Cabdifataax Qaasim in ciidankeenu uu ka muuqdo mooraal, rajo iyo yididiilo aad u sareeyo, wuxuuna ku bogaaday howsha adag ee ay Qaranka u hayaan.

Kormeerka ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca waxaa ku wehlinayay taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga dalka, taliyaha ciidanka cirka iyo Saraakiil kale.

Dowladda Federaalka ayaa xil weyn iska saartay tababarka, tayeynta iyo xuquuqda asaasiga ee ciidanka qalabka sida,islamarkaana marnaba gaabis ku iman.

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kulan Muhiim ahaa la Qaatay Masuuliyin Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

Muqdisho (Ilayska Dalka) 08.02.2021 Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo ay ugu horeyaan Wasiir Ku-xigeenka, Wasiiru-Dowlaha,  & mas’uuliyiin sare oo dhinaca waxbarashada qaabilsan

“Waxa aan maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo ay ugu horeyaan Wasiiru-Dowlaha, Wasiir Ku-xigeenka iyo saraakiil sare oo dhinaca waxbarashada qaabilsan.

Wuxuu sheegay Wasiir Beyle in ay ka wada hadleen baahiyaha dhinaca waxbarashada ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay in maalgelin joogta ah la siiyo hannaanka Waxbarashada,maadaama Waxbarashadu ay tahay iftiinka Dadkeenna iyo horumarka bulshada.

 

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Wax Ka Bedelka Sharciga Waxbarashada Dalka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ansixiyay wax ka bedelka sharciga waxbarashada dalka ee heerka 1 aad, 2 aad iyo tacliinta sare, 170 mudane oo kulanka maanta ka qeybgalay ayaa ogolaaday sharcigan.

Wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya, mudane Cabdulaahi Abuukar Xaaji, ayaa mudanayaasha uga mahad celiyay ansixinta wax ka bedelka sharciga waxbarashada dalka.

Sidoo kale, xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo qeybiyay wax qabadka xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Golaha shacabka ee BJF oo ku kulmaya Muqdisho

Muqdisho Ilayskadalka-Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku yeelanaya xarunta golaha.

Kulanka maanta ayaa looga hadlayaa labo qodob oo kala ah Akrinta saddexaad ee wax ka bedelka sharciga Waxbarshada Heerka 1-aad iyo 2-aad iyo tacliinta sare, iyo qodobka labaad oo ah Warbixinta ku saabsan waxqabadka 100-ka maalmood ee Xukuumadda Federaalka oo loo qeybinayo xildhibaanada si ay u soo akhriyaan.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 9-ka bisha Febraayo 2021 oo beri ku began hortagaya Xildhibaanada golaha shacabka si uu uga hor jeediyo warbixinta waxqabadka 100-ka maalmood ee Xukuumaddiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa booqasho ku tegaaya qaar ka mid ah dowladaha Khaliijka

Muqdisho Ilayskadalka-Wasiirka arrimaha dibada ee Turkiga Mowluud Jaawiish Oglo ayaa bilaabaya beri oo talaado booqasho uu ku maraayo wadamada Kuwayt, Qatar iyo Cumaan.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in booqashada wasiirku socon doonto ilaa 11 bishaan February.

Wasiirka ayaa la kulmi doona wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalkaas isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka Turkiga iyo wadamada Khaliijka iyo xaaladda gobalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmi doona ganacsatada Turkida ee ku nool wadamada Khaliijka.

General Georgy Zhukov-kii Soomaaliya

Muqdisho Ilayskadalka-Haddii aanad hore u maqal Joorji Shukov (Georgy Zhukov) wuxu ahaa Janaraaalkii ugu caansanaa qarnigii tegey dalweynihii Midowga Soviet iyo Russia. Wuxu caan ku yahay in uu ahaa badbaadiyihii magaalooyinka Moscow iyo LeninGaraad (Oo ahayd caasimaddii hore ee Ruushka) markii Jarmalku biyaha iyo cuntadaba ka jareen 444 ta maalmood. Sidoo kale wuxu ahaa khabiirkii military ee dejiyey kaartadii 1945kii Ruushku ku qabsaday caasimaddii Jarmalka ee Berlin, kaartada oo keli ah ma dejin ee waa ninkii watay ciidamadii ugu horreeyey ee galay Baarliin. Sidoo kale wuxu ahaa xisbi yahan iyo macalin. Waan arkay waanan la’ sheekaystay saraakiil Soomaaliyeed oo Shukovkii gaabnaa uu macalin u noqday bolowgii Todobaatanaadkii. Haddaba xalay waxa Magaalada Guri-ceel lagu aasay Shukov kii Soomaaliya. Ma aqaan ka saxsan in Shukov ahaa Galaalkii Russia iyo in General Galaal ahaa Shukov kii Soomaaliya, sababta oo ah maalin bay maqashay gabadha weriyaha ah ee Mary Harper iyada oo la’ leeyahay Hadraawi waa Shakespeare kii Soomaalida, markaas bay tidhi ma’aha sidaa ee Shakespeare baa ahaa Hadraawigii Ingiriiska.

General Maxamed Nuur Galaal wuxu sanadkii 1937/38 ku dhashay Tuur Dhuyuc oo aan ka fogeyn magaaladan aan saaka joogo ee Dhuusamareeb ee Caasimadda Gamudug. Wuxu ku barbaaray dugsigana ka galay Degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur oo dhinaca bari ee Badweynta India ka xigta Samareeb.
Galaal waxa lagu tilmaamaa saraakiishii Militeriga Soomaalida raggii ugu tababarka fiicnaa, dalal kala duwan ayuu tababar milateri u tegey, waana sababta uu ugu hadli jirey afafka Ruushka, English ka iyo Talyaaniga.

General Galaal oo Lockdown kii Ramadaantii hore ee COVID-19ku meel nagu wada go’doomiyey, waqti badanna aannu isu helnay wuxu iiga sheekeeyey dagaalkii 1964kii iyo sida dalku halista u galay xiligaas. Haile Salase wuxu rabay in uu qabsado Magaalada xeebta ah ee Berbera. Laakiin sida uu ii sheegay dhawr taangi oo isagu uu si qarsoodi ku geeyey degaanno xuduudda ah, cadawguna aanu ka war hayn ayaa fashiliyey duulaankaas. Waxa kale oo uu iiga waramay dagaalkii 77kii oo uu ii sheegay in uu allifay toobogaraafiyadiisa dagaalka lagu galay (Military topography). Arrintaas mar uu iiga waramayey ayuu iiga sheekeeyey in galab isaga oo sida warqaddii weynayd ee kaartada dagaalka uu diyaarad ka raacay Xamar si uu qaybtii 60aad ee Baydhabo ula soo wadaago. Waqtiguna waa bilowgii 1977kii waxan arkay buu yidhi diyaaraddii oo ila dhaaftay Baydhabo oo igala sii tallaabaysa Doolow oo webiga korkiisa maraysa. Haddii kaartadaas ay cadawgu gacanta ku dhigi lahaayeen mustaqbalka Soomaaliya si kale ayuu noqon lahaa maalintaas, sababta oo ah Kaartada waxa ku qornaa dhammaan baraha ciidamada iyo meelaha ay kala joogaan iyo tirada hub iyo ciidan ee talis walba ka hawl geli karta.

Aan ku laabto General Georgy Sukhov e sida General Galaal oo kale wuxu khibraddiisa dagaal iyo geesinimadiisu ku soo shaac baxday oo lagu bartay Dagaalkii Koowaad ee Dunida ee 1914kii oo isaga oo sida Galaal wiil yar ah uu ku helay laba billad geesi. Sidoo kale waxa aad loogu xasuustaa hoggaamintiisii dagaalkii Kurk ee July 1943 oo taariikhda dagaalada ku galay kii ugu Taangiyo badnaa taariikhda dunida (8,000) oo Kaare ayaa ka qayb-galay xarbigaas. Sukhov baana ku guuleystay.
Sidaas si lamid ah General Galaal wuxu hoggaaminayey dagaalkii lagu qabsaday Dirirdhabe oo ahaa mid taariikhda geeska xusuus ku reebay. General Fanta Belay oo ahaa taliyihii Ciidamada Cirka Ethiopia ee taliska Dirirdhabe Nin la’ kulmay kahor inta aan la’ toogan 1989kii wuxu u sheegay in ay marar badan ku sigteen in isaga iyo taliskiisa ciidanka cirkuba ay isu dhiibaan General Galaal. General lagu magacaabo Galaal weerarkiisu wuxu ahaa mid aan kala go’ lahayn ayuu yidhi General Fanta.

Ugu dambayn labada Janaraal oo labuduba dalkooda u soo hooyey guulo taariikhda galay waxay iskaga sii mid ahaayeen aaminsanaanta Askarinimada, fogaan aragga, geesinimada, gaabnida iyo go’aan qaadashada. Waxa kale oo ay iskaga dhawaayeen da’da ay ku geeryoodeen oo labaduba waxay gaadheen da’da 80ka, laakiin waxa ay ku kala duwanaayeen sida ay u kala geeryoodeen, Zukhov wuxu geeryooday sanadkii 1974kii iyada oo ay ehelkiisii oo dhami hareerihiisa fadhiyaan oo ay si karaamo leh u sii sagootinayaan, laakiin General Maxamed Nuur Galaal oo sidii aan ku bartay habeenka nuskiisa dambe oo dhan Cibaado iyo salaad u taagnaan jirey waxa dilay gacan ka xaq daran.

Ilaahay ha u naxariisto General Maxamed Nuur Galaal iyo Geesi kasta oo maalin u diriray difaaca dalkeena Aabbe.

W/Q Cusmaan Abuukar Dubbe

Wasiirka Watfaafinta Dhanqanka &Dalxiiska

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Burburiyey Saldhigyo Ay Lahaayeen Maliishiyada Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhibaateynayeen dadka xoola dhaqatada ah.

Ciidanka ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanada Shaataloow iyo Kheydar kuwaas oo argagixisada Al-Shabaab si dhuumaaleysi ah dadka rayidka ah ugu dhibaateynayeen.

Dagaal kooban oo deegaanadaas ka dhacay ayaa ciidanka Xoogga waxay ku bur buriyeen dhammaan isbaarooyinkii u yaalay maleeshiyada Al-Shabaab, halkaas oo ay maalmihii u dambeeyay ku dhibaateynayeen shacabka isaga kala goosha degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled Xaawo.

Taliye Bakaal Kooke oo ka mid ah Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkan ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab laga sifeeyay deegaanada Shaataloow iyo Kheydar oo muddooyinkii dambe dadka shacabka ay ku qabeen dhibaato xooggan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa falalkooda gurracan ku soo koobay in ay carqaladeeyaan dadka rayidka ah, kuwaas oo iyagaba hardan ugu jira helida nolol maalmeedkooda.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa gunta dhiisha isaga dhigay sidii ay argagixisada Al-Shabaab uga difaaci lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda danta yar.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Midowga Afrika Iyo Ku-Xigeenkiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Moussa Faki iyo Ku-xigeenkiisa Marwo Dr. Monique Nsanzabaganwa oo dib loogu doortay Hoggaanka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Hoggaamiyeyaasha Qaaraddu ay wadajir uga shaqeeyaan qorshaha heer Qaaradeed ee ku aaddan Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha, hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda, la dagaallanka argagixisada iyo saboolnimada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojineyso doorka ay ka qaadaneyso adkenta nabadda Geeska Afrika, xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka iskaashi ee ku dhisan wax wada qabsi iyo daris wanaag.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Moussa Faki doorka uu ka qaatay dadaallada ciribtirka saboolnimada iyo xagjirnimada oo caqabad ku ah horumarka shucuubta Afrika.

Warsaxaafadeed ku Saabsan Mowqifka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee Shirkii Dhusamareeb 4

Muqdisho Ilayskadalka-Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay is afgaran waagii uu ku soo dhamaaday shirkii Samareeb, wuxuuse muujinayaa in ay jirto rejo wanaagsan oo weli lagu xallin karo is mariwaaga taagan, wuxuuna dhinacyada ugu baaqayaa in aysan quusan, una istaagaan masuuliyadda ka saaran dalka, ayna hirgeliyaan heshiiskii doorasho ee 17 Sebteembar 2020, heshiiskaas oo baarlamaankuna ku meel mariyey hindise sharciyeed qeexaya sida lagu soo dooranayo xubnaha Barlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddigu wuxuu u soo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed in ay muhiim u tahay xilligaan in laga wada shaqeeyo isu keenidda dhinacyada hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlaha Xubnaha ka ah. Wuxuuna guddigu ku boorrinayaa culimada, hoggaanka dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda in ay lagama maarmaan tahay in ay qaataan doorkooda soo jireenka ah ee xalinta khilaafyada lagu xalinayey hab dhaqameedka, kaasi oo ahaa wakhti dheer xalka rasmiga ah ee ay Soomaalidu dhexdeeda isku xalliso.

Guddigu wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan dhinacyadii isku hawlay xallinta khilaafka, wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeedinayaa shacabka iyo maamulka Galmudug oo xil iyo si geesinimo leh dhabarka ugu ritay hawsha adag  ee shirarkii Samareeb 1 ilaa 4.

Guddigu wuxuu sidoo kale u mahad celinayaa beesha calaamka oo garab taagan Soomaaliya, kuna gacan siinaysa sidii ay dhibaatooyinkooda u xalisan lahaayeen, ayna ku caawiyaan dowlad dhisidda iyo xal ay gaaraan.

Ugu dambeyntii guddigu, wuxuu xasuusinayaa hogaamiyayaasha in mas’uuliyadda qabsoomidda doorashooyinku ay si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran iyo si ay u gaaraan xal degdeg ah, lagama maarmaanna ay tahay in ay ka shaqeeyaan isu keenidda iyo maslaxada guud ee wadanka.

Haddaba, si wadanku marxaladda uu ku jiro uga gudbo, waxaa uu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay tahay xalka keli ahi fulinta heshiiskii doorashada ee la gaaray 17 Sebteembar 2020, Isla markaana guddigu u diyaarsanyahay qabashada doorashooyin  xor iyo xalaal ah,  oo ka dhaca dalka.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho Ilayskadalka-Xuska maalinta Caalamiga ah ee u dul qaadasho la’aanta gudniinta gabdhaha ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyaen Wasaaradaha Haweenka iyo caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Haweenka Xaniifa Maxamed Ibraahim, ururada haweenka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood.

Wasiirka Haweenka iyo xaquuqul insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa sheegtay in Wasaaraddu diyaarisay sharciga lagu mamnuucayo gudniinka gabdhaha, kaas oo hadda hor yaala golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Haweenka Degmada Kaaraan Suldaano Axmed Maxamed ayaa Wasaaradda caafimaadka kula talisay in ay shaqaaleysiiso dadka gudniinka ku shaqeysta si meesha looga saaro gudniinka.

Dhammaan ka qeybgaliyaasha munaasabadda ayaa muujiyay sida ay uga soo hor jeedaan caadadan aafada ah oo dhibaateysay gabdho badan oo Soomaaliyeed.

6 February ayaa ah maalinta loo asteeyo wacyigelinta ku aadan cirib tirka gudniinka gabdhaha, hal ku dhegga sanadkan ayaa ah Adduunka wakhti wax qabad la’aan ah uma harin, waa in loo midoobaa maalgelinta joojint gudniinka gabdhaha.

2003-dii ayay Qaramada Midoobay u astaysay in 6 February noqoto maalinta caalamiga ah ee u dul qaadasho la’aanta gudniinta gabdhaha.