Maamulka Joe Biden Oo Siyaasad Cusub Ku Waajahaya Arrimaha Yemen

Maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Dalka Mareyanka  Joe Biden  ayaa shaaca ka qaaday  in ay soo afjarayaan dhammaan taageerada Mareykanka ee ku aaddan howlgallada weerar ee ka socda dalka Yemen ee ay isku hayaan isbaheysiga uu hoggaamiyo Scuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta ee dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulkiisa cusub ay wadaan qorshe la doonayo in Mareykanku uu kaalin firfircoon kaga qaato joojinta dagaalada ka socda dalka Yemen ee saameeyay nolosha dad badan oo dalkaasi ah.

“Sacuudi Carabiya waxay wajaheysaa weeraro gantaalo iyo hanjabaado kale oo uga imanaya xoogagga ay taageeraan Iiraan sidaa daraadeed,waxaan sii wadaynaa inaan taageerno oo aan ka caawinno Sacuudi Carabiya inay difaacdo madax-bannaanideeda   iyo midnimadeeda dhuleed iyo dadkeeda. ”ayuu yiri Joe Biden

Sacuudi Carabiya ayaa soo dhaweysay hadalada Biden, gaar ahaan sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo wax ka qabashada hanjabaadaha ka dhanka ah dalkaasi.

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Ayaa Soo Bandhigay Waxqabkiisa 2015-2020

Shir dib loogu eegayay wixii kasoo baxay shirkii dib u eegista waxqabadkii Guddiga 2015 -2020 iyo samaynta Istaraatiijiyadda  2021-2025 ayaa lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Guddiga ee Magaalada Mogadishu.

Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Guddiga, komishineerada , lataliyayaasha, Xoghayaha joogtada ee Guddiga, Diwaangaliyaha Xafiiska Xisbiyada iyo Agaasimayaasha.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray in tala wadaag lala sameeyo dhamaan daneeyayaasha kuwaas oo saamayn ku leh hawlahaha Guddiga.

Daneeyayaasha uu Guddiga la kulmi doono ayaa kala ah:

  1. Xisbiyada sida ku meel-garka ah u diwangashan.
  2. Hay’adaha Dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
  3. Ururada Bulshada Rayidka iyo Warbaahinta.
  4. Hay’adaha Caalamka ee sida gaarka ah ula shaqeeyo Guddiga.

 

 

Shir Looga Hadlayey Wadatashiga Doorka Haweenka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

 

Kulankaan oo socday muddo saddex maalin ah ayaa waxaa uu ahaa mid looga tashanayay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin hirgelinta qorshaha hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaranka, waxaana soo qaban qaabiyay wasaaradda Arrimaha Gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii haweenku ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen Dhab-u-heshiisiin ka hirgasha dalka ayaa waxaa ka soo qeyb galay haween ka kala socday dowlad goboleedyada,gobolka Banaadir,ururada haweenka ee ka jira dalka iyo ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah haweenka ka socday dowlad goboleedyada oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in haweenku ay yihiin udub dhexaadka Dhab –u-heshiisiinta.

Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa wasaaradda arrimaha Gudaha uga mahadcelisay la tashiyada ay haweenka kala sameyneyso Dhab-u-heshiisiinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Saciid Cabdullaahi Calasow oo furay kulanka ayaa tilmaamay in haweenku ay laf dhabar u yihiin Dhab-u-heshiisiinta, isaga oo ugu baaqay iney door muhiima ka qaataan.

Barnaamij Lagu Horumarinayo Wax-Soo-Saarka Beeraha Oo Laga Daah Furay Jowhar

 

Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Maamulka Hirshabeellle ayaa daah furtay mashruuc dib udayactir loogu sameenayo Kanaalada waraabiya Beeraha Degmada Jowhar iyo deegaanada ku xeeran.

Kanaaladaan Biyaha qaada  ee dib loo habeynayo waxay kala yihiin Weydow Goomey iyo kanaalka Galuundi kuwaas oo bur bur aad u weyn ka muuqdo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Beeraha Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo la hadlay Ilayska Dalka ayaa sheegay in kanaaladan dib udayactirkooda muhiim u tahay kor uqaadista wax-soo-saarka Beeraleyda Gobalka Shabeellaha dhexe.

Beera falatada Degmada Jowhar ayaa baahi weyn u qabay helista mashruucan kuwaas oo hadda la rajeynayo inay ka faa’ideystaan Mashaariicda lagu horumarinayo Beerahooda.

Guddiga Doorashooyinka Ee Heer Federal Ee 2020-2021 Ayaa Kulan Fogaan Arag ah La Yeeshay Wakiilka Gaarka Ah Ee QM

Gudoomiyha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Mudane Maxamed Xasan (Ciro) ayaa kulan fogaan araga la yeeshay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan. Intii kulanku socday ayaa looga hadlay arrimo  la xidhiidha doorashooyinka dalka.

Gudoomiyaha GHDHF ayaa warbixin kooban ka siiyay ergayga gaarka ah ee QM Soomaaliya, diyaar garawga hawlaha doorashooyinka dalka. Waxa kale oo Guddoomiye Cirro hoosta ka xariiqay in ka guddi ahaan ay diyaariyeen dhammaan howlihii farsamo ee loo baahnaa si dalka  doorasho uga dhacdo.

Dhanka kale, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa intii uu kulanku socday bogaadiyay howsha baaxadda leh ee ay gudiyadu qabteen.

James Swan waxa kale oo uu muujiyay in xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya markasta diyaar u yahay inay taageero buuxda ka gaystaan geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahadceliyay taageerida beesha caalamka ay marwalba la garab taagan yihiin dowlad dhiska Soomaaliya. Labada dhinac waxay rajo ka muujiyeen shirka Dhusamareeb in xal looga gaaro qodobada lagu kala aragti duwanyahay, dalkuna loo jiheeyo jawi doorasho.

Howlgal lagu Bur-burinaayo Dhismayaasha Sharci darada ah oo maanta ka bilowday Gaalkacyo

Olalahaan oo ah kii ugu weynaa ee maamulka dagmada Gaalkacyo ee Galmudug uu sameeyo mudadii u dhisnaa ayaa maanta lagu bur burburinaiyay dhismayaal  iyo Barkado si sharci dara ah looga dhistay qaar ka mida wadooyinka magaalada Gaalkacyo

Maamulka dagmada Gaalkacyo oo kaashanaya Ciidamada Booliiska dagmada ayaa ku guuleeysteen in ay furaan ilaa sadax waddo oo ku yaala xaafada magaalada Galkacyo.

Gudoomiyaha dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, oo la hadlay warbaahinta intii uu socday howlgalka bur burinta ah ayaa sheegay in howlgalkan saaka biloowday uu daba socdo qorshaha hagaajinta bilicda magaalada Gaallkacyo uuna socon doono inta laga furayo dhamaan waddoyinka sida sharci dara ah hareerahooda  looga dhistay dhismayinka iyo Barkadaha, kuwaas oo caqabad ku ah isku socodka magaalada.

Xukuumadda Soomaaliya oo ka war bixisay natiijada shirkii Samareeb

Shirkii madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo muddo 5 maalmood ah ka socday Magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug ayaa caawa la soo gebegebeeyey. Arimaha ugu waaweyn ee lagaga wada hadlay waxa kamid ahaa, Guddiyada Doorashada, guddida doorashada Somaliland iyo maamulka doorashada Gobolka Gedo.

Madaxda Dowladda Federalka oo muujiyey tanaasul iyo odaynimo badan, in badanna isku deyey in ay qanciyaan mid kamid ah maamul goboleedyada way u suurtageli weyday.

Gebegebadii markii qodobadaas la isla meeldhigi waayey madaxweynuhu wuxu go’aamiyey in shir dambe la isugu soo laabto si halkaas looga sii ambaqaado taabba gelinta heshiiskii 17kii September 2020.

Xanuun halis ah oo ka dillaacay Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xannuun looga shakisan yahay cudurka Dengue uu ka dillaacay qeybo ka mid ah dhulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 207 xaaldood oo loo maleynayo in uu xannuunkaasi yahay ayaa laga helay gobollada Dollo iyo Liibaan ee degaanka Soomaalida.

Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay baaritaano ay sameyeen lagu xaqiijiyay jiritaanka cudurkan, waxyana intaasi ku dartay in baaritaannadan lagu sameynayo shaybaar ku yaalla Hawassa.

Xanuunkan Dengue oo ah xanuun asal ahaan ay gudbiso Kaniicada ayaa  horay uga dillaacay sannadihii  isla deegaanka intii u dhaxeysay sanadahii 2017 iyo 2018.

Madaxweyne Farmaajo oo la filayo inuu Maanta la hadlo Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane; Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu ka qeyb galay shirkii wada tashiga Dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee horraantii bishan ka furmay magaalada Samoreeb.

Mudane Farmaajo ayaa la filayaa Saacadaha soo socda in uu khudbad u jeediyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo uga war bixin doona waxyaabihii kasoo baxay shirkii Magaalada Dhuusamreeb.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la xiriira shaqada la qaatay la taliyeyaasha wasaaradda

07.02.2021 Ilayskadalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Md. Saciid C/laahi Calasow ayaa kulan la xiriira shaqada la qaatay la taliyeyasha wasaaradda iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortibanta leh iyo mashaariicda ay wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaal iyo Dib-u-heshiisiinta.

Agaasimaaha Guud ee Wasaaradda ayaa ugu horrayn ugu mahadceliyey la taliyeyaasha shaqada iyo naf hurnimada ay muujiyeen inta ay la shaqaynayeen Wasaaradda.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa la taliyeyaasha  mid mid uga dhagaystay Warbixin ku aaddan howlaha ay u hayaan Qaranka.

Agaasimaga Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiinta Dowladda Soomaaliya Mudane Siciid C/llaahi Calasow ayaa wada dardar gelinta howlaha Wasaaradda iyo sidii shaqada u noqon laheyn mid miro dhal ah.