Maamulka Joe Biden Oo Siyaasad Cusub Ku Waajahaya Arrimaha Yemen

Maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Dalka Mareyanka  Joe Biden  ayaa shaaca ka qaaday  in ay soo afjarayaan dhammaan taageerada Mareykanka ee ku aaddan howlgallada weerar ee ka socda dalka Yemen ee ay isku hayaan isbaheysiga uu hoggaamiyo Scuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta ee dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulkiisa cusub ay wadaan qorshe la doonayo in Mareykanku uu kaalin firfircoon kaga qaato joojinta dagaalada ka socda dalka Yemen ee saameeyay nolosha dad badan oo dalkaasi ah.

“Sacuudi Carabiya waxay wajaheysaa weeraro gantaalo iyo hanjabaado kale oo uga imanaya xoogagga ay taageeraan Iiraan sidaa daraadeed,waxaan sii wadaynaa inaan taageerno oo aan ka caawinno Sacuudi Carabiya inay difaacdo madax-bannaanideeda   iyo midnimadeeda dhuleed iyo dadkeeda. ”ayuu yiri Joe Biden

Sacuudi Carabiya ayaa soo dhaweysay hadalada Biden, gaar ahaan sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo wax ka qabashada hanjabaadaha ka dhanka ah dalkaasi.