Laporte oo si maldahan u sheegay in uu ka tagi karo kooxda Man City.

Daafaca reer France ayaa ku soo laabtay safka koowaad ee Pep Guardiola kulankii Burnley, laakiin wuxuu qirtay in laga yaabo inuu meel ka baxsan Etahad uu ka cayaari karo.
Aymeric Laporte ayaa si maldahan u sheegay in xagaaga ay suuragl tahay in uu ka huleelo Manchester City, iyadoo daafaca reer France uu qirtay in uu jeclaan lahaa in waqti badan uu helo, inkastoo uu ku faraxsan yahay Etihad Stadium.
26 jirkaan ayaa lagu amaanay wixii uu ka sameeyay Etihad inta uusan dhaawacmin ka hor, ka dib markii uu lacag badan uga soo dhaqaaqay kooxda Athletic Club bishii Janaayo 2018.
laacibka reer France ayaa dhaawac soo gaaray darteed waxaa booskiisii kala baxay daafaca reer Ingriis ee Stones, kaasi oo horay keydka loo dhigay ka dib markii uu si buuxda u maareyn waayay qalabadda dhexe ee City.

Dood qaran, Xildhibaanow xad ku xidha iyo xuduud maleedahay?

ILAYSKADALKA(02.02.2021) Waxaan si wacan u wada ogsoonahay inay golayaasha sharci dajinta dalkeenu leeyihiin xasaanad. Sida ku cad dastuurka dalka cutubkiisa 6aad, qodobka 70aad firqooyinkiisa 1 ilaa 5 ee qeexaya Xasaanadda ama dhowr sanaanta xildhibaanimada golaha shacabka.  Qodobkani wuxuu ka hadlayaa oo kaliya sida ay tahay xildhibaanka xasaanaddiisa in loo ilaaliyo. Qodobka markaad aqrido waxad fahmaysaa inuu dastuurku ka dhigayo xasaanadda xuquuq uu xildhibaanku leeyahay. Wuxuuna qodobku odhanayaa

” Xildhibaanka laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xidhi karo lamana baadhi karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale ee u gaar ah, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho ah”.

Qodobka ka hadlaya xasaanadda xildhibaanka ee aan kor kusoo xusay wuxuu ka hadlayaa oo kaliya sida xildhibaanka xasaanaddiisa loo ilaalinayo. Sidoo kale wuxuu qodobku muujinayaa sida ay qorayaasha dastuurku qalad uga fahamsanyihiin kalmada xasaanadda. Qodobku wuxuu xasaanaddii ka dhigayaa xuquuq uu xildhibaanku leeyahay. Halka ujeedada xasanaddu aysan ahayn mid xildhibaanka kaliya xuquuq siinaysa balse si kamid ah sida ay xuquuqda u siinayso ilaalinta masuuliyadda xasaanadda ayay waajibaad u dulsaaraysaa xildhibaanka masuuliyaddas ku astaysan. Hadaba waa maxay xasaanaddu? Xasanaddu  waa xaq dastuuriya oo aan lasiin qofka xilka xasaanadda loo asteeyay haya oo kaliya balse lasiiyay in lagu dhowro masuuliyadda ay xildhibaannimadu wadato. Masuuliyadduna waxay leedahay xuquuq iyo waajibaad xadidaya awoodda xildhibaanka iyo shuruudaha shaqadiisa. shuruudaha shaqadana ka mid maaha in meel laguugu diray inaad soo nadiifiso, aad kusoo xaarto sababtoo ah xasaanad ayaad leedahay oo xildhibaan qaran ayaad tahay.

Taa waxaa la mid ah ninka loosoo xulay inuu matelo oo uu sharci dejiye u noqdo qaran ay ku dhex noolyihiin malaayiin muwaadiniin ah, oo ka mudan isaga, hadii ay tahay dhanka cilmiga, garaadka, waayo aragnimada iyo kartidaba. Kaasoo halkii laga filayay inuu ka faa’iidaysto fursadaas dahabiga ah oo uu muujiyo inuu wax ku qabtay fursadii ay dadka Soomaaliyeed siiyeen isaga, iyadoo ay joogaan dad badan oo ka mudani, uu xaar kaga wareegay goobtii loogu igmaday inuu tusaale wanaagsan ugu noqdo kuwa lajooga iyo kuwa kaga dambayn doonaba. Isagoo layimi hab dhaqan aan ka suurtoobin ilmaha 10 sano jirka ah ee fasalka 4aad dhigta.

Taas waxaa lamid ah xildhibaanka sida joogtada ah u jabinaya xeerarka dalka iyo kuwa uu golaha shacabku ku shaqeeyo. Tusaale ahaan, waxaan horay u wada daawanay inay dhacday in qaar ka mid ah xildhibaanadda qaranku ay firimbi ama siidhi jeebka kusoo qaateen maalintii uu golaha shacabku furmilahaa oo larabay in 2 waxyaalood oo muhiim ah la qabto.

1) In dadka Soomaaliyeed loo sheego wixii dowladooda u qabsoomay sanadkii dhamaaday. 2) In dadka Soomaaliyeed lala socodsiiyo meesha ay dowladnimadoodu marayso iyo halka ay higsanaysaba.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo maalintaas si toos ah muuq baahiyayaasha iyo baraha bulshada ugala socday jadwalkii uu ku socday habraaca furitaanka golaha shacanka waxay aad ula yaabeen hab dhaqankii xildhibaanadda qaar. Taasoo ay ka sugayeen golaha sharci dajinta dalka iyo xeer ilaalinta dalkaba in talaabo sharciga waafaqsan kaqaadaan xildhibaanaddii anshax xumadda kasameeyay golaha shacabka dhexdiisa, iyadoo madaxdii dalkuna joogtay shacabkiina ay daawanayeen. Shacabku arintaas waxay u fasirteen fashil haysta golaha shacabkaoo uu ku fashilmay anshax marinta xildhibaanka ku xadgudba ilaalinta masuuliyadda loo asteeyay xasaanadda xilka uu hayo. Taasoo u muuqata inaysan weli dhicin oo aan wax soo eedayn ah iyo wax anshax marin ah toona aan lagu samayn masuuliyiintii gefkaas ku sameeyay qaranka Soomaaliyeed iyadoo aduunka oo dhan laga daawanayo.

Taasi waxay keentay inay dad badan oo Soomaaliyeed ay is waydiiyaan su`aal odhanaysa, Xildhibaanow xad ku xidha iyo xuduud maleedahay?

Micnaha xasaanaddu maaha in xildhibaanka dambiga galaya ay ilaaliso ee waa inay ilaaliso xildhibaanka toosan ee dalkiisa si daacad ah ugu shaqaynaya, isagoo xeerka, nadaamka iyo qiyamka qarannimo ilaalinaya. Sidoo kale maaha wax suurtagal ah inaan ka ogolaano masuul haya xil ama ku fadhiya kursi leh xasaanad ilaalin u baahann, wax aanan ka ogolayn ilmo yar oo 10 sano jir ah oo dhigta fasalka 4aad. Sababtoo ah ma jiro bare ogol in ilmuhu uu siidhi ama firimbi jeebka kusoo qaato, si ay u yeedhiyaan siidhigaas marka uu baruhu bilaabo bixinta casharka maalintaas ardayda loogu talo galay. Sidaa darted suurtagal maaha in wixii ilmahaas yar aan laga ogolayn aan ka ogolaano xildhibaan ku fadhiya kursi xasaanad leh oo ay tahay in xasaanadaas la ilaaliyo. a ogolaano. Sidoo kale maaha inay xasaanaddu noqoto hub lagu difaaco qaran dumisniamda iyo sharci jabinta. Aduunka kale xasaanaddu way burtaa hadii uu qofka haya masuuliyadda ay xasaanaddu u astaysantahay layimaado waxyaalo keenaya inay xasaanaddii dhaawacanto. Sababtoo ah xasaanadda lafteeda ayay masuuliyadeedu tahay inuusan masuulka haya xilka xasaanadu u astaysantahay dhafin xayndaabka xasaanaddaasi u astaysantahay ee ay ku ilaashamayso, balsee maaha in xasaanadda loo isticmaalo wixii loo asteeyay waxaan ahayn oo ay noqoto hub la isku difaaco marka uu shaqsiga haya xilka xasaanadda loo asteeyay uu rabo inuu wax qaribo.

W/Q: Abdiqani Jamac Dharas

OO ah falanqeeye arimaha siyaasada, una dooda xuquuqda aadanaha iyo saraynta sharciga. Lasoco qeybta 2aad.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Geesinimada qofka laga  rabaa maxey tahay ?

ILAYSKADALKA(02.02.2021) Marka  laga hadlaayo geesinimo ama la qeexayo nooca ay tahay geesinimadu Waxaa laga fiiriyaa nooca badan oo lagu salaynayo shaqsiyaadka qofka bini’aadamka ah leeyahay iyo siyaabo badan oo qofka laga fiiriyo nooca ay geesinimadiisu tahay.

Inta badan ruuxa geesiga dhabta ahi waxaa lagu gartaa u adeegidda dadkiisa ,Diintiisa iyo Dalkiisa .
Marnaba kama daalo wax u qabadka ummadiisa uu ku abtirsado iyo difaacida qarannimadiisa oo uu u nasbo sheegto .
Qofka geesiga ah isla markiiba maskaxdiisa waxaa ku soo dhacaya Weydiin ah . Miyaa laga gaban karaa amase laga aamusi karaa xaalad adag oo la soo guboonaatay dadkaada uu ku dhex nool yahay ?
Weydiintaasi warcelinteedu waxaa maya
Sababtoo ah qof damiir leh kama aamusi kara qarannimadaada lagu ciyaaro ama dhibaato loo gaysanayo
Ee qof geesiga ahi waxa uu isku dayaa in uu ka hortago waxa alaale wixii khalalaaso wadanka galinaaya

Marka laga eego geesinamada soomaalidu ay taqaan waa qeybo badan yihiin ,  maxaa yeelay hadba waxa ay ku xiran tahay qofka aad weydiinayso iyo qaabka uu ugu falceliyo weyniintaasi
1-  hadii aad weydiiso qof waayeela oo miyiga  ku soo koray xoolo dhaqana ahaan jireen.
geesinimada waxa uu u yaqaanaa
In la qaato waran iyo gaashaan oo waagii hore lagu dagaalami jiray
Marka geesinimada waxa uu leeyahay. waxaa waaye marka qofku uu dagaal ku jiro oo ay iska hor yimaadaan labo dhinac oo h ilfaha isu qaado qofka aan marnaba cabsan oo xataa hadii uu  dhaawac yahay oo naftu ku idishahay dagaalamaan oo aan u  jeedin waxa soo gaaray oo waxa dhibaata ah  waxaa u muuqda kaliya guusha  marnabana kama baqo dagaalka uu ku jiro in uu guul ka  keeno oo mira dhalkeeda arko

2 -hadii aad weydiiso qof  ciidanka qaranka ka mida oo aad tiraahdo waa maxay geesino waxa uu isla markiiba kuu qeexaya waxa uu geesinimo ka aaminsanyahay.oo isaga lagu soo tababaray xilli kastana lagu dhahaayay waa in aan noqotaa geesiga dalka difaaci lahaa
Waxa uu leeyahay geesinimadu waa in aad naftaada, maalkaaga iyo maskaxdaa aad u hibayso dalkaada ,dadkaada iyo diintaada in aad difaacdo oo aad ka dhowro cadawga ku soo daandaansadaay  oo aad dhaar u martay in  aad wadankaada daacad u noqotid oo aad har iyo habeen u taagnaadtid  sharafka  qaranimadaada  oo aad ku faanto in aad tauhay waddani daacada oo naftiisa soo qadimay si uu qarankiisa
Waxaa ogaataa ciidanku in  uu yahay kan ay ku dhaceyso qabow iyo falaaraha cadceeda  oo dusha wax  walba u ridanaya  kaasoo marnaba aan ka caajisaynin in uu waddankiisa difaaco Oo mar waliba dhuuxiisa iyo dheecaankiisa wadank u horo
Hadaba maxaa waaye geesinimada laga rabo muwaadinka soomaaliyeed ?

Geesinimada laga rabo muwaadinka soomaaliyeed waa noocyo badan tahay ayadoo laga eegayo qodobadan soo socda iyo kuwa kale oo badan oo aan qormo yar lagu soo koobi karin maxaa yeelay geesinimadu sharaxaadeedu waa baaxad weyntahay
Hadba waxa ay ku xirantahay qof waliba oo daneynnaya fahanka geesinimada sida uu ugu dhaba galo oo uu lafa gur uga sameeyo iyo faaqidaadeeda qoraalaaleed ama hadal oraaheed oo muuqaalo ku muujinayso
Hadaba maxaa kamida Qodobada laga rabo ruuxa geesiga in uu ku sifaysnaayo ama uu lahaado

(B) In aad qaranka difaacdo oo aad ciidanka qalabka sida ku biiro si aad wadanka uga celiso heryaha  cadawga ama gumaysiga kaa soo marnabana aan kuu ogolaalayn in aad hormar  gaarto  .gumeystuhu waxaa uu rabaa oo dantiisa koobaad ah in uu iska qaato kheyraadka wadankaada bilaa xisaab la’aan   ma jecla in wadanka laga ceshado. Marka ciidanku waa kan ugu horeeya ee laga rabaa in uu wadanka difaaco oo cadawga ka dhowro gudo iyo dibadaba
(T) In aad waddanka wax u soo barato oo ku soo hordhiso aqoon cusub oo   dadkaada iyo dalkaada u keento farsamooyin aqooneed badan oo wadanka faa’iidayo u leh
(J) In aadan daba dhilif u noqon shisheeya wadanka damac ka galay kheyraadkiisa faraha badan leh kaasoo aan  cid waliba kuu ogolayn in aad waddankaada kheyraadkiisa la soo baxdo oo ummadaado ka faa’iidaysato
(X)In aad wadankaada waddo fiican ku hagto si uu u gaaro hormar waara oo jiilba. jiilka uu ka danbeeyo uga faa’iidaysto

(KH)In aad dadkaada si cadaalada ugu garsoorto haddii aad joogtid meelaha dadka loogu garsooro oo cadaalada laga soo doonto
Ha noqonin mid ummadiisa ka adeegta ee noqo mid ummadiisa u adeega
(D) In aadan wadankaada keenin waxyaabo ummada wax yeelaynaya
ha  ahaato daawo dhacday ,raashin dhacay iyo dhar aan akhlaaq ahaan diinta u fiicnayn.
( R) In aad ummadaada barto diinta islaamka oo aad ku hagto caqiidada sax oo aad ka hortagdo afkaarta khaldan oo bulshada wax yeeelayneysa.
(S) In aad dhowrto sirta wadankaada oo aadan shisheeye uga sheekaynin xogaha qarankaada ama aan soo bandhigin haddii aad tahay warfidiye ama ka shaqeyn habab kale oo wararka lagu gudbiyo waa in aad marka waliba dhowrtaa siraha qarankaada

Qof kasta oo muwaadin soomaaliyeed ah waxaa laga rabaa in uu u adeego qarankiisa ,dadkiisa iyo diintiisa asigoo wax waliba ka hormarinaa danta guud oo aan fiirinayn dan gaar ah.
Danta guud marka ay hagaagto waxa hagaagaya danta gaarka ah
Qofka u ordaya danta shaqsiga waxa uu rabaa xoolo badan iyo nabad uu xoolaha ku manaafacaaadsado
Bal is weydii hadii aadan ammaanka wadanka ka shaqeyn goormee ku raaxaysanaysaa xoolahaasi aad khiyaanada ku keentahay Aakhiro iyo aduunyo waxa kuu yaala dhibaato
Sababtoo ah waxaa iska qaadatay xoolo dad leeyahay bilaa amar
Waa in ogsoonaata in lagu xisaabi doono maalin aan maalintaan eheyn

Hadaba  qof walba oo soomaaliyeed waa in uu ilaaliyaa danaha wadankiisa oo ka foojignaadaa wax walba oo wadanka dhibaato ku keeni kara ama khalalaaso amni iyo mid bulsho sababi kara

Marka geesinimada waa in aad in taasoo dhan iyo kuwa kale oo badan aad ilaalisaa si uu wadankeenu u gaaro hormar miisaan weyn leh oo dunida inteeda kale ka tilmaaman

W/Q Abdullahi Hashi Yusuf 

Ruushka oo xiray boqolaal Banaanbaxayaal ah iyadoo wali ay socdaan howlgalada lagula dagaalamayo xulafada Navalny.

Booliska Ruushka ayaa maanta oo Axad ah xir-xirayay boqolaal dibadbaxayaal ah oo isugu soo baxay wadooyinka magaalooyinka waaweeyn ee dalkaasi, iyagoo dalbanaya in lasii daayo Alexey Navalny oo in muddo ahba xirnaa.

Mudaaharaadyadii ugu horreeyay ayaa ka qwarxay Bariga Fog, oo ay ku jirto magaalada dekedda leh ee Vladivostok halkaas oo dibadbaxayaashu ay isugu soo baxeen fagaaraha bartamaha magaalada inkasta oo booliisku ay isku dayayeen in ay ka hortagaan

“Rabitaankeyga ah in aan ku noolaado wadan xor ah ayaa ka xoog badan cabsida aan ka qabo in la i xiro,” ayuu yiri, mid ka mid ah Banaanbaxayaasha oo diiday inuu sheego magaciisa.

Howlgal ka dhacay gobolka Bay oo lagu khaarijiyay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed ayaa weerar ku qaaday deegaanka Seydheelow oo ka tirsan gobolka Bay,halkaasi oo ay maleeshiyada Al-         Shabaab ay ku dhibaataynayeen shacabka.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bay ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Gaashaanle Sare Amiin Maxamed Daruur oo la hadlay Wakaaladda (SONNA) ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac ay halkaasi ugu geysteen koxda Al-Shabaab,ayna deegaanka iminka ay gacanta ku hayaan.

“Howlgalkan waxaa qaaday ciidankeena,waxaana uu ka dhacay deeganaak Seydheelow,waxaa halkaasi lagu dilay 7-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab,deegaankana hadda waxaa gacanta ku haya ciidanka dowladda,shacabkuna waa laga dulqaaday dhibtooda”. Ayuu yiri taliye Amiin.

Deegaanka uu dagaalka ka dhacay oo qayaas ahaantii 35 KM dhanka Waqooyi kaga began magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa horey ugu sugnaa maleeshiyada Alshabaab.

Taliyaha qeybta ayaa xusay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Seydheelow ay ka dambeysay kadib markii shacabka deegaanka uu codsi kaga yimid si looga dulqaado dhibaatada ay kala kulmayeen argagixisada.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa dhibaato ku haaya shacabka,iyagoo badeecada gaadiidka saaran ay kagubaan si ay nolosha ugu ciriiriyaan dadaka,balse ciidanka xoogga dalka ayaa wada howlgalo ka dhan ah alshabaab meelaha ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Maxkamadda racfaanka Mareynkanka oo taageertay xukunka saddex nin oo Qarxin rabay Muhaajiriin Soomaali ah

Maxkamadda racfaanka Dalka Mareykanka ayaa taageertay Xukunka sadax nin oo cadaan ah oo qorsheeynayay in Bam ku qarxiyaan dhismo dabaq ah oo kuyaal kanasas oo ay daganaayeen Muhaajirin Soomaali ah iyo Masaajid, iyagoo diiday xukunkii Isniintii ee ahaa in FBI-da ay qariyeen.

Curtis Allen, Gavin Wright iyo Patrick Eugene Stein ayaa xeerbeegtida ku heshay dambiga Maxkamada degmada Kansas U.S.A ee sanadii 2018 inay shirqooleen adeegsiga hubka wax gumaada iyo inay ku xad gudbeen xuquuqda madaniga ah ee muslimiinta ku nool dhismaha guryaha magaalada Garden.

Bishii Janaayo 2019, Xaakimka Degmada Mareykanka Eric Melgren wuxuu Allen ku xukumay 25 sano oo xarig ah, Wright 26 sano iyo Stein 30 sano.

Saddexda nin waxay racfaan ka qaateen Maxkamadda 10-aad ee Mareykanka, iyagoo ku doodaya in garsooraha uu ku khaldamay inuu diido codsigooda oo ahaa in loo oggolaado inay horumariyaan difaac ay ku soo xireen Xafiiska Dambi Baarista ee Federaalka. Waxay kaloo ku doodeen in xubnaha laga soo xulay xeerbeegtideeda ay ahayd mid aan habboonayn.

Guddi sadex garsoore ka kooban ayaa diiday doodahan Isniintii. Goluhu wuxuu xukumay in raggan aysan ka hor imaanin qaabka xulashada xeerbeegtida mudada toddobada maalmood ah ee sharcigu u baahan yahay.

FBI-da ayaa adeegsatay xog-ogaal qarsoodi ah oo iska dhigay inuu ka ganacsado hubka saddexda nin, taasoo ragga ay ku doodeen inuu dabin yahay.

Xaaladda Beled Xaawo oo degan ka dib dagaalkii shalay

Xaaladda degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta degan ka dib markii shalay dagaal ay ku soo qaadeen maleeshiyaad laga soo abaabulay dal shisheeye, kuwaas oo iska caabin xooggan kala kulmay ciidanka xoogga dalka.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee ku sugan magaaladaas ayaa ku soo waramaya in xaaladda ay tahay mid degan,islamarkaana ay dib u soo laabteen adeegyadii Bulshada ee hakad ku galay dagaalkii koobnaa ee ka dhacay Beled Xaawo, waxaana guud ahaan degmada gacanta ku haya ciidanka Dowladda Federaalka.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa wada howlgalo lagu xaqiijinayo amniga magaalada, kuwaas oo ay si aad ah u soo dhoweeyeen dadka shacabka ah.

Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed oo laga soo abaabulay dal shisheeye oo u shaqayna dano dalka kale iyo gumeysi inay dagaal ku soo qaadaan magaalada Beled Xaawo, halkaas oo ay dagaal kula galeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii fashilmay ee maleeshiyada Kenya soo hubeysay ku soo qaadeen magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Guddi ku meel gaar ah oo loo magacaabay degmada Wasil ee Gobolka Mudug

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Guddi ku meel gaar ah oo maamula u magacawday degmada Wasil gobolka Mudug.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug  ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 13-xubnood oo ka mid ah bulshada degmadaasi.

Waxayna Guddigan ka shaqeyn doonaan baahiyaha Bulshada degmada.

Suudaan oo sheegtay in tirada qaxootiga Itoobiyaanka ah ee dalkaas soo gaartay ay kor u dhaaftay 66,000.

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan xukuumadda dalka Suudaan ayaa sheegtay in tirada qaxootiga ah ee ka soo cararay colaadaha Itoobiya soona galay dalka Suudaan ay kor u dhaaftay 66,000.
Bayaan kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in tirada qaxootiga ee soo gaaray gobolka Kasaala ay gaareen 47,629, halka tirada soo gaartey gobolka Gedaaref ay gaareen 18,857.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in wali ay jiraan dad jooga xeryaha soo dhawaynta kuwaas oo aan wali la diiwaan gelin.
Suudaan ayaa ah dalka qaabilay qaxootiga ugu badan ee kasoo cararay colaadaha dalka Itoobiya ka socday bilihii lasoo dhaafay.
Dolwadda Itoobiya ayaa hore u shaacisay in laga guuleystay jabahdda Tigreega iyadoo lagu dilay dagaalkaas hoggaamiyaal caan ahaa qaar kalena lasoo qabtay.