Geesinimada qofka laga  rabaa maxey tahay ?

ILAYSKADALKA(02.02.2021) Marka  laga hadlaayo geesinimo ama la qeexayo nooca ay tahay geesinimadu Waxaa laga fiiriyaa nooca badan oo lagu salaynayo shaqsiyaadka qofka bini’aadamka ah leeyahay iyo siyaabo badan oo qofka laga fiiriyo nooca ay geesinimadiisu tahay.

Inta badan ruuxa geesiga dhabta ahi waxaa lagu gartaa u adeegidda dadkiisa ,Diintiisa iyo Dalkiisa .
Marnaba kama daalo wax u qabadka ummadiisa uu ku abtirsado iyo difaacida qarannimadiisa oo uu u nasbo sheegto .
Qofka geesiga ah isla markiiba maskaxdiisa waxaa ku soo dhacaya Weydiin ah . Miyaa laga gaban karaa amase laga aamusi karaa xaalad adag oo la soo guboonaatay dadkaada uu ku dhex nool yahay ?
Weydiintaasi warcelinteedu waxaa maya
Sababtoo ah qof damiir leh kama aamusi kara qarannimadaada lagu ciyaaro ama dhibaato loo gaysanayo
Ee qof geesiga ahi waxa uu isku dayaa in uu ka hortago waxa alaale wixii khalalaaso wadanka galinaaya

Marka laga eego geesinamada soomaalidu ay taqaan waa qeybo badan yihiin ,  maxaa yeelay hadba waxa ay ku xiran tahay qofka aad weydiinayso iyo qaabka uu ugu falceliyo weyniintaasi
1-  hadii aad weydiiso qof waayeela oo miyiga  ku soo koray xoolo dhaqana ahaan jireen.
geesinimada waxa uu u yaqaanaa
In la qaato waran iyo gaashaan oo waagii hore lagu dagaalami jiray
Marka geesinimada waxa uu leeyahay. waxaa waaye marka qofku uu dagaal ku jiro oo ay iska hor yimaadaan labo dhinac oo h ilfaha isu qaado qofka aan marnaba cabsan oo xataa hadii uu  dhaawac yahay oo naftu ku idishahay dagaalamaan oo aan u  jeedin waxa soo gaaray oo waxa dhibaata ah  waxaa u muuqda kaliya guusha  marnabana kama baqo dagaalka uu ku jiro in uu guul ka  keeno oo mira dhalkeeda arko

2 -hadii aad weydiiso qof  ciidanka qaranka ka mida oo aad tiraahdo waa maxay geesino waxa uu isla markiiba kuu qeexaya waxa uu geesinimo ka aaminsanyahay.oo isaga lagu soo tababaray xilli kastana lagu dhahaayay waa in aan noqotaa geesiga dalka difaaci lahaa
Waxa uu leeyahay geesinimadu waa in aad naftaada, maalkaaga iyo maskaxdaa aad u hibayso dalkaada ,dadkaada iyo diintaada in aad difaacdo oo aad ka dhowro cadawga ku soo daandaansadaay  oo aad dhaar u martay in  aad wadankaada daacad u noqotid oo aad har iyo habeen u taagnaadtid  sharafka  qaranimadaada  oo aad ku faanto in aad tauhay waddani daacada oo naftiisa soo qadimay si uu qarankiisa
Waxaa ogaataa ciidanku in  uu yahay kan ay ku dhaceyso qabow iyo falaaraha cadceeda  oo dusha wax  walba u ridanaya  kaasoo marnaba aan ka caajisaynin in uu waddankiisa difaaco Oo mar waliba dhuuxiisa iyo dheecaankiisa wadank u horo
Hadaba maxaa waaye geesinimada laga rabo muwaadinka soomaaliyeed ?

Geesinimada laga rabo muwaadinka soomaaliyeed waa noocyo badan tahay ayadoo laga eegayo qodobadan soo socda iyo kuwa kale oo badan oo aan qormo yar lagu soo koobi karin maxaa yeelay geesinimadu sharaxaadeedu waa baaxad weyntahay
Hadba waxa ay ku xirantahay qof waliba oo daneynnaya fahanka geesinimada sida uu ugu dhaba galo oo uu lafa gur uga sameeyo iyo faaqidaadeeda qoraalaaleed ama hadal oraaheed oo muuqaalo ku muujinayso
Hadaba maxaa kamida Qodobada laga rabo ruuxa geesiga in uu ku sifaysnaayo ama uu lahaado

(B) In aad qaranka difaacdo oo aad ciidanka qalabka sida ku biiro si aad wadanka uga celiso heryaha  cadawga ama gumaysiga kaa soo marnabana aan kuu ogolaalayn in aad hormar  gaarto  .gumeystuhu waxaa uu rabaa oo dantiisa koobaad ah in uu iska qaato kheyraadka wadankaada bilaa xisaab la’aan   ma jecla in wadanka laga ceshado. Marka ciidanku waa kan ugu horeeya ee laga rabaa in uu wadanka difaaco oo cadawga ka dhowro gudo iyo dibadaba
(T) In aad waddanka wax u soo barato oo ku soo hordhiso aqoon cusub oo   dadkaada iyo dalkaada u keento farsamooyin aqooneed badan oo wadanka faa’iidayo u leh
(J) In aadan daba dhilif u noqon shisheeya wadanka damac ka galay kheyraadkiisa faraha badan leh kaasoo aan  cid waliba kuu ogolayn in aad waddankaada kheyraadkiisa la soo baxdo oo ummadaado ka faa’iidaysato
(X)In aad wadankaada waddo fiican ku hagto si uu u gaaro hormar waara oo jiilba. jiilka uu ka danbeeyo uga faa’iidaysto

(KH)In aad dadkaada si cadaalada ugu garsoorto haddii aad joogtid meelaha dadka loogu garsooro oo cadaalada laga soo doonto
Ha noqonin mid ummadiisa ka adeegta ee noqo mid ummadiisa u adeega
(D) In aadan wadankaada keenin waxyaabo ummada wax yeelaynaya
ha  ahaato daawo dhacday ,raashin dhacay iyo dhar aan akhlaaq ahaan diinta u fiicnayn.
( R) In aad ummadaada barto diinta islaamka oo aad ku hagto caqiidada sax oo aad ka hortagdo afkaarta khaldan oo bulshada wax yeeelayneysa.
(S) In aad dhowrto sirta wadankaada oo aadan shisheeye uga sheekaynin xogaha qarankaada ama aan soo bandhigin haddii aad tahay warfidiye ama ka shaqeyn habab kale oo wararka lagu gudbiyo waa in aad marka waliba dhowrtaa siraha qarankaada

Qof kasta oo muwaadin soomaaliyeed ah waxaa laga rabaa in uu u adeego qarankiisa ,dadkiisa iyo diintiisa asigoo wax waliba ka hormarinaa danta guud oo aan fiirinayn dan gaar ah.
Danta guud marka ay hagaagto waxa hagaagaya danta gaarka ah
Qofka u ordaya danta shaqsiga waxa uu rabaa xoolo badan iyo nabad uu xoolaha ku manaafacaaadsado
Bal is weydii hadii aadan ammaanka wadanka ka shaqeyn goormee ku raaxaysanaysaa xoolahaasi aad khiyaanada ku keentahay Aakhiro iyo aduunyo waxa kuu yaala dhibaato
Sababtoo ah waxaa iska qaadatay xoolo dad leeyahay bilaa amar
Waa in ogsoonaata in lagu xisaabi doono maalin aan maalintaan eheyn

Hadaba  qof walba oo soomaaliyeed waa in uu ilaaliyaa danaha wadankiisa oo ka foojignaadaa wax walba oo wadanka dhibaato ku keeni kara ama khalalaaso amni iyo mid bulsho sababi kara

Marka geesinimada waa in aad in taasoo dhan iyo kuwa kale oo badan aad ilaalisaa si uu wadankeenu u gaaro hormar miisaan weyn leh oo dunida inteeda kale ka tilmaaman

W/Q Abdullahi Hashi Yusuf