Amiirka Kuwayt oo mar kale ra’iisal wasaare u magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid.

Amiirka dalka Kuwayt Nawaaf Al-Axmad Al-Jaabir ayaa maanta oo axad ah dib ugu magacaabay ra’iisul wasaaraha dalkaas Shiikh Sabaax Al-Khaalid Al-xamad Al-Sabaax.
Wakaaladda wararka ee Kuwayt ayaa sheegtay in wareegto ka soo baxday xafiiska amiirka dalkaas lagu magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid.
Ra’iisal wasaasraha la magacaabay ayaa la amaray inuu so xulo golo wasiiro oo tayo leh kuwaas oo dalka ku hoggaamin kara horumar .
Amiirka dalka Kuwayt ayaa hore u aqbalay iscasilaadda xukuumaddii hore isagoo ka codsady inay xilka sii hayaan inta laga soo dhisaayo xukumad cusub.

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay waxgaradka Godinlabe iyo Mareergur, kuna soo laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar dhulka ah kasoo amba qaaday magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa ayaa socdaal kusoo maray magaalooyinka kala ah Godinlabe iyo Mareergur, halkaas oo uu si kooban uu kula kulmay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanadaas.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu danbeyntii maanta gelinka dambe gaaray caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb oo muddo kooban kaga maqnaa arrimo shaqo.

Qaramada midoobe oo sheegtay in Soomaaliya ay marti galisay qaxooti badan sanadkii 2020

In ka badan 24,000 qof oo ajnabi ah ayaa sanadkii 2020 soomaaliya nabad galyo u raadsaday sida ay sheegtay heyada UNHCR .

Dadkaas waxay badankood ka yimaadeen wadamada Ethiopia,Syria Iyo Yemen .

Dadka qaxootiga ayaa soomaaliya nolol u soo raadsaday halkaas oo ay amaan ku heleen

Gobalada waqooyi galbeed, Bari iyo gobalka Banaadir ayaa ah meelaha ugu badan oo ay qaxootiga joogaan

Sidoo kale waxay UNHCR sheegtay in laga soo bilaabo sanadkii 2014 ay soomaaliya dib ugu laabteen 90,000 oo soomaali ah kuwaas oo horay wadamo kale qaxooti ahaan ugu tagay

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo New York kulakulmay madaxweynaha kalafadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay

New York (SONNA)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Volkan Bozkir.

Wasiir Maxamed ayaa Madaxweynaha uga war bixiyey guulaha ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay & horumarka ay ka gaartay arrimaha Siyaasadda, amniga & kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa ka mahadceliyey booqashada wasiirka & horumarka dowladda Soomaaliya, wuxuuna uu madaxweynuhu sheegay in ay sii labo jibaari-doonaan taageeridda QM ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Mareykanka isagoo intii uu halkaas ku sugnaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo uu kala hadlay xaaladda wadanka.

 

Goob qashinka lagu keydiyo oo laga hirgeliyay duleedka magaalada Jowha

Muqdisho (SONNA)-Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kan Degmada Jowhar  ayaa bilaabay ololo nadaaafadeed oo ku saabsan bilic soo celinta caasimadda Hirshabeelle ka fuliyay magaalada Jowhar.

Maamulka degmada iyo kan gobalka ayaa sameeyay goob loogu talagalay in qashinka lagu  shubo.

Ugu horeyn Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali iyo Guddoomiyaha Degmada Jowhar Ismaan Maxamed Mukhtaar Baareey oo goobta ka hadlay ayaa bulshada ku nool caasimadda ugu baaqay in ay ka qayb qaataan ololaha isxilqaan ee lugu soo celinayo bilicdii ay lahayd magaalada Jowhar.

Guddoomiyaya Gobalka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ku baraarujiyay shacabka ku nool Jowhar iyo maamulka Magaalada in loo bahanyahay si wadajir ah looga qayb qaato nadaafadda, madaama Jowhar ay kulansatay Caasimadda Gobalka iyo Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isagoo xusay in goob qashinka lagu keydiyo laga hirgeliyay duleedka magaalada Jowhar.

 

 

Wasiirka Tamarta dalka oo qaabilay u qeybsanaha arrimaha diinta ee safaaradda

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Uqeybsanaha Arrimaha Diinta Safaarada Turkiga ee Soomaaliya Mr. OGUZ YILMAZ.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay xiriirka walaaltanimo ee Turkiga iyo Soomaaliya iyagoo sidoo kale diiradda saaray  wax qabadka iyo wada shaqeynta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo TURKIYE DIYANET VAKFI SOOMALIYA ee howlaha ku aaddan Tamarta iyo kheyraadka Biyaha iyo in la xoojiyo  hirgalinta istaraatiijiyada cusub ee ay wada yeeshaan taas oo ku aaddan arrimaha Tamarta iyo Biyaha.

kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, wuxuuna kusoo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqeyn dhow  inay yeeshaan Wasaaradda iyo  Turkiye Diyanet Vakfi soomaaliya.

Wasiirka Tamarta XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay u qeybsanaha arrimaha diinta ee safaaradda Turkiga+SAWIRRO

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Uqeybsanaha Arrimaha Diinta Safaarada Turkiga ee Soomaaliya Mr. OGUZ YILMAZ.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay xiriirka walaaltanimo ee Turkiga iyo Soomaaliya iyagoo sidoo kale diiradda saaray  wax qabadka iyo wada shaqeynta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo TURKIYE DIYANET VAKFI SOOMALIYA ee howlaha ku aaddan Tamarta iyo kheyraadka Biyaha iyo in la xoojiyo  hirgalinta istaraatiijiyada cusub ee ay wada yeeshaan taas oo ku aaddan arrimaha Tamarta iyo Biyaha.

kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, wuxuuna kusoo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqeyn dhow  inay yeeshaan Wasaaradda iyo  Turkiye Diyanet Vakfi soomaaliya.

       

Danjirihii hore ee Soomaaliya u qaabilsanaa Washington oo Mareykanka ku geeriyooday

Allah u naxariistee, danjire Cabdikariim Cali Cumar oo ahaa danjirihii hore ee Soomaaliya u qaabilsanaan jirey Mareykanka ayaa shalay galab ku geeriyooday magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee dalkaas, sida ay xaqiijiyeen asxaabiitisa.

Danjire Cabdikariim ayaa maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanayay isbitaal ku yaala magaalada Columbus. Waxaa uu kamid ahaa Soomaalida fara ku tiriska ah ee ku xeel dheer arrimaha diplomaasiyadda.

Danjire Cabdikariim Cali Cumar, ayaa waxaa uu ahaa Safiirkii ugu dambeeyay ee maamulkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, u fadhiyay magaalada Washington ee Mareykanka, wuxuuna kamid ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Allah u naxariistee, Cabdikariim ayaa hadda ahaa Murashax u taagan ka qeybgalka doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2021.

Kulan lagu soo dhaweynayay Wasiiru dowlaha Isboortiga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Kulankan lagu soo dhaweynayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana lagu taageerayay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay odayaasha dhaqanka, qeybaha kala duwan ee Bulshada, aqoonyahanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo madasha lagu casuumay.

Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee kulanka ka hadlay ayaa dowladda uga mahadceliyay dadaalada ay ugu jirto sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar iyo barwaaqo.

Nabadoon Maxamed Daahir Macalin Xasan iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cumar ayaa tilmaamay in dowladdu ay ku guuleysatay horumarka uu dalku gaaray, ayna diyaar u yihin inay garab istaagaan dowladnimada Soomaaliya.

Malaaq Cali Malaaq Maxmed Malaaq Wehliye ayaa tilmaamay in Ra’isul Wasaaraha dalku uu yahay shaqsi doonaya in wax walba lagu dhameeyo wanaaga, isagoo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan dowladooda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaar u tahay in dalku uu aado doorasho loodhanyahay, isagoo xusay in dowladnimada ay tahay wax la wada leeyahay, loona baahanyahay in la ilaashado.

“Dowladnimada waa sheey la wada leeyahay oo cid la arkaba ay qeyb ku leedahay, waxaan rabaa inaan idin xaqiijiyo in dowladnimada Soomaaliya aysan jirin cid aad marti uga tihiin, kuna dadaalla taageerada ay dowladda u heysaan” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

        

Guddoomiye Cumar Filish oo kormeeray dhismaha waddada dheer ee isku xirta isgoysyada Afarta darjiino iyo Maanabolyo ”SAWIRRO”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray dhismaha  waddada laamiga ah ee isku xirta isgoysyada afarta darjiino iyo Manabolyo, halkaas oo ay ka socoto dayactir xoogan.

Dhismaha waddadaan ayaa in mudaa socotay, iyadoo uu gaba-gabo ku dhowyahay dhismaheeda.

Dhismha waddadaan ayaa waxaa daba socda bulaacado laga dhisayo waddada dhinacyadeeda.

Maalmulka gobolka Banaadir ayaa ku guuleestay in ay dhisaan waddooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir iyo dib u dayactir lagu sameeyay waddooyin badan oo bur-bursanaa.