Goob qashinka lagu keydiyo oo laga hirgeliyay duleedka magaalada Jowhar “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kan Degmada Jowhar  ayaa bilaabay ololo nadaaafadeed oo ku saabsan bilic soo celinta caasimadda Hirshabeelle ka fuliyay magaalada Jowhar.

Maamulka degmada iyo kan gobalka ayaa sameeyay goob loogu talagalay in qashinka lagu  shubo.

Ugu horeyn Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali iyo Guddoomiyaha Degmada Jowhar Ismaan Maxamed Mukhtaar Baareey oo goobta ka hadlay ayaa bulshada ku nool caasimadda ugu baaqay in ay ka qayb qaataan ololaha isxilqaan ee lugu soo celinayo bilicdii ay lahayd magaalada Jowhar.

Guddoomiyaya Gobalka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ku baraarujiyay shacabka ku nool Jowhar iyo maamulka Magaalada in loo bahanyahay si wadajir ah looga qayb qaato nadaafadda, madaama Jowhar ay kulansatay Caasimadda Gobalka iyo Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isagoo xusay in goob qashinka lagu keydiyo laga hirgeliyay duleedka magaalada Jowhar.

           

 

kumaandooska Qaranka oo hoowlgal ka sameeyay deegaanka Shabeeloow “SAWIRRO”

Ciidamada kumaandooska Danab ururka 6 aad ee xoogga  dalka ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay deegaanka Shabeeloow oo Qiyaastii 20km u  jirta deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug

Iska hor imaad kooban ka dib maleeshiyadii argagaxisada  Al-shabaaab ayaa isaga cararay goobtii lagu dagaallamay, Dadka reer Bacaadweyne ayaa door muhiim ah ka qaatay jabka argagaxisada.

Saraakiisha Danab ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka maleeshiyada lagula jiro.

Maalmihii la soo dhaafay Galmudug ayaa ciidamo badan geeysay koonfurta gobolka Mudug si looga hortago ururka Al-shabaab kuwaasoo dhibaato ku haya qaar ka mid shacabka ku nool deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug.

  

Guddoomiye Cumar Filish oo xafiiskiisa ku qaabilay danjire ku xigeenka dalka Swedan”Sawirro”.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filiah) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiir ku xigeenka dowlad Swedan u fadhiya Soomaaliya Petra Smitmanis Dry.

Labada masuul ayaa kulankooda uga hadlay kaalinta ay dowlada Swedan ku leedahay dib-udhiska dalka, amniga, taageerida bulshada Soomaaliyeed taas oo qeyb weyn ka ah hormarka dalka  gaara ahaan gobolka Banaadir.

Guddomiyaha gobalka ayaa uga mahadceliayay danjire ku xigeenka Sweden tababbarada ay siiyaan shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar  iyo sidii loo dardar galin lahaa Mataaneenta labada magaalo èe Muqdisho iyo Gothenburg.

Safiir ku xigeenka Safaaradda Swedan ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan shacabka gobolka Banaadir, isagoo ku amaanay masuuliyiinta maamulka gobalka Banaadir howlaha ay u hayaan bulshada caasimadd.

Gabogabadii kullankaan ayaa kusoo idlaaday is af-garad iyo dhammaan qodobada la isla soo hadal qaaday.

      

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ka hadashay qorshayaasha iyo sharuucda marista wadooyinka.

Iyadoo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay ku soo badanayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya waxa ay ka hadashay qorshayaasha wasaarada iyo howlaha sharuucda marista wadooyinka oo ay soo saartay wasaaradda kaasi oo la doonayo in lagu dhaqo gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka howl gala dalka gaar ahaan caasimadda magaalada Muqdisho.

Wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in ay jiraan dadaalo iyo horumaro ay ka sameysay sidii loo bari lahaa gaadiidleyda shuruucda iyo ku dhaqanka ilaalinta nidaamka marista wadooyinka ayna diyaarisay wasaaradda sharcigii wado marista.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Gacal Gaabow ayaa ka warbixiyay horumarada waxqabadka wasaaradda qorshayaasha wasaaradda iyo diiwaan galinta gaadiidka waxaana uu sheegay in wasaaradda ay ku guuleysatay in ay diyaarisay sharuucda marista wadooyinka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo kulamo ka wada Magaalada Qardho”Sawirro”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Magaalada Qardho ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay haweenka iyo Dhallinyarada Magaalada Qardho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee Gobolka , gaar ahaan dhanka nabad galyada iyo horumada ka jiro magaalada Qardho iyo guud ahaan Gobolka.

Haweenka iyo Dhalinyaradda Magaalada Qardho ayaa Madaxweyne dani uga mahadceliyey dadaalada uu wado maamulka puntland dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa dhankiisa waxaa uu ugu baaqay Haweenka iyo Dhalinyarada ku nool Magaalada Qardho inay si wanaagsan ula Shaqeeyaan Madaxda Maamulka Puntland.

           

Xukumadda oo beenisay in ciidanka soomaaliyeed ay qeyb ka yihiin dagaalka waqooyiga Itoobiya

Xukuumadda ayaa si adag u beenisay warar been abuur ah oo laga fidiyey ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga waddamada dibadda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in wararkaasi yihiin been abuur ay dadka qaar siyaasad ka raadinayaan.

Ma jiro ciidan soomaaliyeed oo Tigray ka dagaalamay iyo ciidan ay itoobiya dowlada soomaaliya weydiisatay ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Wasiir Dubbe wuxuu tilmaamay in dadka dacaayada noocaas oo kale ah faafinaya ay ka so horjeedaan oo ay diidan yihiin in soomaaliya ay yeelato ciidan xoog leh oo amaankeeda ay ku filnaato

Messi oo labo kulan oo ganaax ah garka loo galiyay ka dib casaankii ugu horeeyay ee Barcelona.

Messi ayaa la ganaaxay kaliya labo kulan ka dib casaankii ugu horeeyay ee Barcelona laakiin racfaan ayaa weli u furan kabtanka Barcelona.

Superstar-ka reer Argentina ayaa Kaarka Cas loo taagay intii lagu guda jiray kulankii Spanish Super Cup ee ay la ciyaareen kooxda Athletic Club waxaana haatan lagu wadaa inuu ganaax ku maqnaado labo kulan Lionel Messi ayaa ka badbaaday  ganaax dheer ka dib markii uu qaatay casaankiisii ugu horeeyay ee waayihiisa Barcelona, iyadoo ciyaaryahanka reer Argentina uu seegi doono kaliya labo kulan oo ka dambeeya casaankii Spanish Super Cup ee uu ka qaatay kooxda Athletic Club, laakiin Blaugrana ayaa weli racfaan ka qaadan weeydiisan karta RFEF, oo xukunta arrimaha anshaxa ee Spain.

Waxaa la soo jeediyay in laacibka koonfurta Ameerika uu wajihi karo ilaa 12 kulan oo ganaax ah sababo la xiriira tallaabooyinkiisa taxaddar la’aanta ah ee uu qaaday.

Wasaaradda qorsheynta oo dib u eegis ku sameeysay qorshe howleedka WFP-Somalia ee Jubbaland+Sawirro

Wasaaradda qorsheynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa hay’adda WFP-Somalia fartay in ay xoojiso howlaha ay ka fulinayso maamul gobaleedka Jubaland, kadib kulan lagu soo bandhiyay dib u eegista qorshe howleedka 2021 ee hay’ada Cuntada Adduunka oo lagu qabtay Kismaayo.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb-galeen xubno ka socda wasaaradaha Jubbaland ee ay wada shaqaynta dhow leeyihiin WFP iyo Wasaaradda qorsheynta Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxa u qabsoomay qorshaha ICSP 2020 iyo 2021 ee hay’adda ee hay’adda WFP ee ku aaddan Dowlad gobaleedka Jubaland.

Agaasimaha kormeerka iyo qiimeynta wasaaradda qorsheynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, Cabdiraxiin Muuddeey ayaa sheegay in caqabadaha sanadkii hore ay aad u badnaayeen sida Cudurka Korana Farayska, balse ay iminka rajeynayaan in laga gudbo.

Madaxda ka socotay wasaaradaha Dowlad gobaleedka Jubaland ayaa bogaadiyay howsha ay garwadeenka ka tahay wasaaradda qorsheynta Qaranka iyo hay’adda, iyagoo isla meel dhigay  Istaraajiyadda cusub ee WPF- Soomalaiya 2022-2025.

Ugu dambeyn waxaa kulanka lagu go’aamiyay in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha WFP Dowladda federaalka iyo maamul gobaleedka Jubbaland si loo gaaro yoolka qorshayaasha loogu adeegaya bulshada Soomaaliyeed.

      

Galmudug oo ciidamo gaysay deegaano dhawaan ay yimaadeen Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Galmudug , guddoomiyaha gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin kale oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa deegaanno hoos-taga degmada Hobyo ayaa gaaray maantay difaacyada hore ee ciidamada amniga Galmudug ay ku jiraan ee aagga Bacaadweyn iyo Cimaamad.

Ciidamada Qalabka-sida ee isugu jira mileteriga qeybta 21-aad, Nabadsugida iyo Daraawiishta Galmudug oo garabsanaya naftood hurayaal deegaanadaas ka soo jeeda ayaa heegan culus ugu jira difaaca dalka, dadka iyo diinta oo ay kooxaha argagixisada Alshabaab weerar ku yihiin.

Galmudug waxaa ay sheegtay inay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah kooxda Al shabaab oo dhuumaalaysi ku yimaada Koonfurta Gobolka.

    

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo saraakiisha amniga kala shiray xaalada gobolka Bakool

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulan diirada lagu saarayey Dar-Dar gelinta Xaqiijinta Amniga iyo Dib ufurida Wadooyinka ay xireen Al-Shabaab ee Gobolka Bakool waxa uu la qaatay Sarakiisha Laamaha Amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa laamaha amaanka kala hadlay sidii shacabka ku dhaqan degmooyinka Gobolka Bakool looga xureyn lahaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku haayo culeyska faraha badan iyo kala go’doominta degmooyinka Gobolka Bakool.

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in laamaha Amniga oo garabsanayo shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool  ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah kooxda aragagixasada ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa wado dadaalo uu ku doonayo in uu kooxda Al-shabaab kaga xureeyo deegaanada hoosyimaado Gobolka Bakool oo ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkaas.