kumaandooska Qaranka oo hoowlgal ka sameeyay deegaanka Shabeeloow “SAWIRRO”

Ciidamada kumaandooska Danab ururka 6 aad ee xoogga  dalka ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay deegaanka Shabeeloow oo Qiyaastii 20km u  jirta deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug

Iska hor imaad kooban ka dib maleeshiyadii argagaxisada  Al-shabaaab ayaa isaga cararay goobtii lagu dagaallamay, Dadka reer Bacaadweyne ayaa door muhiim ah ka qaatay jabka argagaxisada.

Saraakiisha Danab ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka maleeshiyada lagula jiro.

Maalmihii la soo dhaafay Galmudug ayaa ciidamo badan geeysay koonfurta gobolka Mudug si looga hortago ururka Al-shabaab kuwaasoo dhibaato ku haya qaar ka mid shacabka ku nool deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug.