Barca oo qaab bilaash ah ku dooneysa Aguero.

Barcelona ayaa xiiseyneysa inay si xor ah kula soo saxiixato weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida ay qortay The Sun.

32-jirkii hore ee Atletico Madrid ayaa qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa xagaagaan welina wax qandaraas kordhin ah uma uusan sameynin kooxda Pep Guardiola.

Barca ayaa suuqa ugu jirta gooldhaliye fiican ka dib bixitaankii Luis Suarez, waxaana laga yaabaa inay faa’iido u arkaan saxiixa Aguero oo saaxiib  fiican la ah kabtanka Argentina iyo Blaugrana ee Lionel Messi.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo maanta ridday xukun dil ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa manta xukun dil ah ku ridday Cumar Muxudiin Maxamuud oo ka dambeeyay dilkii marxuum Allaha u naxariistee Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow.

Cumar Muxudiin Maxamuud ayaa loo haystaa Dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow, ,kaas oo ka dhacay degmada Boondheere gaar ahaan Ex Wasaaraddii Caafimaadka 20-kii September 2020.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo awood u leh dhaqaajinta Dacwadda eedeysanaha, waxa ayna isla xilligaasi weydiisteen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo gudbiyo Xabsiga  Eedeysane Sedax Xarigle Xoogga Dalka Cumar Muxudiin Maxamuud garsuge ahaan.

Baaritaana dheer kadib 21-kii November Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Cumar Muxudiin Maxamuud, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga Dacwadda kowdii Decembber bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid  Sedax marag oo cadeeyay in Eedeysanaha uu dhac u geysanayay Marxuumka, Warqadda Cadeynta dhimashada iyo Gungaarka Baarista Boliiska oo ay sameeyeen saldhiga degmada Boondheere.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigay eedeymo hore oo ay Maxkamaddu u haysatay Eedeysanaha laakiin dhibanayaashii waagaas ay ka noqdeen Dacwaddii ay u heysteen kowdii June Sanadkii tegay.

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo la kulmay madaxda Dalkaasi

Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudan Amb Maxamed  Sheikh Isxaaq iyo wafdi uu hoggaaminaayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle,Dr Cabdi Xakiim Luqaam ayaa maanta kulan la qaatay Xubin Katirsan Golaha Sare ee ka arrimiyo Dalka Suudan,taasi oo lagu magacaabo Marwo Caasho Muuse Saciid.

kulanka ayaa ka dhacay Xarunta  Qasrigga Madaxtooyadda Dalka Suudan, halkaas oo ay goob jooga ahaa Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Raami  Ma’muun Bashiir iyo Madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya Dalka Suudan Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego)

Gudoomiyaha ayaa warbixin Guud ka siiyay xaalada Guud Dalka Soomaaliya iyo Midda Hirshabelle iyi xiriirka xoogan  ee u dhaxeeya labada dowladood Sooamaliya iyo Suudan.

Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudan Amb. Maxamed sheikh Isxaaq ayaa umahadceliyay dowlada Sudan sida muuqata ee ay u garab taaganyihiin  waqti walba dowlada  iyo shacabka Soomaaliyeed.

Marwo Caasho Muuse saciid oo ah xubin ka mid ah Golaha sare ee  ka arrimiyo Dalka Suudan ayaa soo dhaweysay booqashada Gudoomiyaha iyo Danjiraha u fadhiya dowlada Soomaaliya Dalka Suudan, iyadoo xaqiijisay inay muhiim tahay  Guud ahaan horumarinta iyo xiriirarka labada dal,gaar  ahaan horumarinta Ganacsiga iyo dhamaan kaaabayaasha dhaqaalaha ee labada wadan, sidoo kale xiirka walalanimo iyo Dhamaan danaha labada dowladood Soomaaliya iyo Suudan.

Gabagabadii Kulanka laba dhinac ayaa ku soo idalaay is -afgarad wanaagsan.

Wasaarada Waxbarashada XFS oo qabatay kulan la xiriiray tayeynta waxbarashada

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS mudane Maxamed Caabbi Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Kulankaan waxaa uu ku saabsanaa horumarinta Waxbarashada dalka gaar ahaan qorshayaasha nidaamka imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2020/2021.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabbi Xasan ayaa Agaasime waaxeedyada Wasaaradda kula dardaarmay in ay dar dar galiyaan islamarkaana qorshe ka keenaan qaabka ugu haboon ee si hufan imtixaanka lagu maamuli karo.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS iyo Ergeyga Q.Midoobey oo ka hadlay u diyaargarowga doorashooyinka Dalka.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Cusman , ayaa  xafiiskiisa   ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, waxa uu kala hadlay xoojinta iskaashi wadaagga iyo kordhinta kaalmooyin waxtar leh oo ah mid bani’aadannimo iyo horumarin iyadoo la taageerayo barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in doorashooyinka baarlamaaniga iyo madaxtinimada lagu qabto waqtiga loo qorsheeyay.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hirgelinayso qorshe dib-u-habeyn ah oo ku qotoma amniga, caddaaladda, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed si loo daboolo baahiyaha iyo himilooyinka shacabka, isagoo daaha ka qaaday in dowladdu ay latashiyo la yeelatay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo daneeyayaasha kale, taas oo ah horumar siyaasadeed oo gudaha ah. Wasiiru dowlaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in la tixgaliyo muddo xileedka dastuurku qeexayo si hore loogu socdo, loogana fogaado waqti luminta, qas iyo qalaanqal-abuuridda iyo is-hortaagidda horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhanka nabadda iyo barwaaqada.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji.

Wasiirka Amniga XFS oo carruurta Agoonta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed u fulinaya ballan-qaad uu u sameeyay

Wasiirka Amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),mudane Xasan Xundubey Jimcaale oo ka qeyb galay munaasabadda 77 guuradii kasoo wareegtay aas aaska ciidanka boliiska Soomaaliyeed, ayaa sheegay in guulo taariikhi ah ay ka gaareen ilaalinta nabadgelyada ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa boliiska.

Wasiirka ayaa saraakiisha u dalacday  darajooyinka sarsare ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sidii loo sugay amniga garoonka Inj-Yariisow (Ex Koonis) oo marti geliyay ciyaarihii ugu xiisaha badnaa ee lagu qabto bariga Afrika.

Wasiirka Amniga gudaha oo ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ay leedahay ilaalinta amniga shacabka ayaa xusay in ciidanku ay hureen waxa ugu qiimaha badan adduunka oo ah nafta isagoo tilmaamay iney yihiin geesiyaal aan la iloobeyn.

“Shaqo la qabto tan ugu karaama badan oo adduun iyo aakhiro ugu wanaagsan waa ummadaada amnigeeda in la sugo”ayuu yiri wasiirka Amniga.

Wasiirka Amniga gudaha mudane Xasan Xundubey ayaa boggaadiyay agoonta boliiska oo wacdaro ka dhigay munaasabadda isagoo sheegay inuu garab taaganyahay qorshayaal cusub oo lagu horumariyana uu la imaa doono.

“Waxaan ku faraxsanahay agoontu meeshi ugu horreysay oon booqdo iney tahay, ballan qaad baan ka galay inaan fuliyo Ayaan rabaa insha allah,waxaa kaloo qorshaha iigu jira inaan wax cusub ku kordhino ubaxyadaas soo koraya si dadki u dhintay dalkaan dadki ay ka tageen aysan u dayacmin” ayuu yiri Xundubey.

Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in argagixisada Alshabaab aysan dooneyn wax horumar ah, isagoo tusaale u soo qaatay in qori lagu waardiyeynayo dhisida waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye taas oo aan siyaasad ku lug laheyn, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in lala shaqeeyo ciidamada Qalabka sida si dalka looga sifeeyo argagixisada.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa la aas aasay sannadkii 1943-kii waana ciidanka ugu da’da weyn ciidamada qalabka sida.

Shirkadda Twitter ooTrump ka xirtay bartii uu ku lahaa

Shirkada Twitter ayaa si rasmi ah u xirtay bartii uu ku lahaa madaxweynaha  Mareykanka ee xafiiska baneynaya Donald Trump

Shirkadu waxay sheegtay in uu Trump ku xadgudbay sharciyada iyo nidaamka badqabka ee u yaala Twitter.

Barta Donald Trump ayaa waxaa ku xirnaa 88.7 malyuun oo qof .

Arintan ayaa ka dhigan Trump aanu isticmaali doonin Twitter oo uu aad u jeclaa kuna qori jiray wararka uu rabo in ay saaxafada qaadato

Mushaar kordhin loo sameeyay shaqaalaha rayidka ee Puntland

Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland waxaa xalay lagu qabtay munaasadda xuska 8-da January oo ku beegan sanad guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ay weheliyaaan Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa munaasabadda kaga qeybgalay hoolka cusub ee xarunta Madaxtooyada ee Garoowe.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybagalay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadeen, Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaano ka mid ah labada Aqal ee DFS, goleyaasha maamulka Puntland iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa  hadaljeedintiisa taariikhiga aheyd ee xalay ku xusay, waxyaabaha laga qabtay dhinacyada Amniga, maaliyadda, arrimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in laga billaabo sanadka cusub Bisha koowaad ay dowladdu hirgelinayso mushaar kordhin ay u sameysay Shaqaalaha rayidka ah, taas oo aad loo bogaadiyey, Dowladda ayaa ugu kordhisay mushaharka Goleyaasha dowladda sida Wasiirada, Xildhibaanada iyo weliba Ciidamada.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah  Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Puntland oo lagu abaalmariyey howlkarnimadooda.

Wasiirka tamarta oo la kulmay wakiilka hey’adda Qatar Charity ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi, ayaa Dabayaqaadii toddobaadkii hore kulan kula yeeshay xafiiskiisa mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda samafalka ah ee Qatar Charity oo uu hogaaminayay wakiilka hay’addaas ee Soomaaliya Mudane Cabdinuur Xaaji Cali.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlada Wasaaradda Marwo Shukri Maxamuud Afrax, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Daahir Cabdi Cabdullahi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, la taliyaasha dhanka biyaha iyo hawl-wadeenada Wasaaradda.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo hay’adda Qatar Charity ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta biyaha dalka iyo sidii ay gacan buuxda uga geysan lahayd hay’adda in ay kala shaqeeyaan Wasaaradda hirgalinta ceel biyoodyo laga qodo goobaha ay ka jirto baahiyo biyo, ayadoo Wasaaradda ay qaadaneyso doorkeeda oo ah in ay hagto goobaha laga fulinayo mashaariicda horumarinta biyaha.

Dhanka kale, Xubnaha ka socday hay’adda Qatar Charity, ayaa aad u bogaadiyay kulanka ay Wasiirka Wasaaradda la yeesheen, waxayna ku amaaneen mas’uuliyiinta Wasaaradda sida ay uga go’an tahay wax u qabashada dadka tabaaleysan ee u baahan in ay helaan biyo nadiif ah oo ku filan, ka hay’ad ahaanna ay diyaar u yihiin in ay raacaan qorshaha wasaaradda uga dagsan hirgalinta arrimaha la xiriira qodista ceelal biyoodyo, iyadoo tilmaanta ay Wasaaradda bixiso ay hay’adda ku hawl gali doonto.

Ugu dambeyntii, waxaa la is meel dhigay in la dardargaliyo heshiiskii ay Wasaaradda iyo hay’adda kala wada saxiixdeen sanadii hore, si hawlaha badan ee horyaala laba dhinac loo fuliyo lagana amba qaado qodobada heshiiskaas.

Kenya:Qaxootiga Dhadhaab oo dhigay bannanbax cabasho ah

Waxaa Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab gar ahaan Xerada ifo ka dhacay banan bax cabasho ah oo looga horjeeday xaaladda nolol ee dadka ku jira xeryaha, kadib markii hayadaha samafalka ay hoos u dhigeen adeegyadii rashinka ee la siin jirey.

Dadka Qaxootiga ayaa sheeegay in bishiiba mar la siin jiray adeegyada raashinka balse hada la siiyo labadii bilood hal mar, waxayna sido kale sheekan in xarumo caafimaadka,isla markaana la kala diray howlwadeenadii caafimaadka.

Macalimiinta iskuulada wax ka dhiga jirey la dhimay iskuulada qaar waxaa dhigta 2500 arday balse waxaa la yira sadex macalin oo geli ah ayaa wax bari 1500 ee arday taasi oo ay banan baxan kaga cabanayaan waalidiinta iyo ardayda,

Hayadaha samafalka ee ka howlgala xeryaha qaxootiga ee dhadhaab ayaa hoos udhacan ku yimid gargaarkii la siin jirey qaxootiga ku micnayay dhaqale la aan la soo daristay hayadaha samafalka isla markaana dhaqaliha ay horan ka heli jireen wadamada iyo hayadaha deeqda bixiya eysan ka helin taasina keentay in hoos udhacan gargaarkii ay siin jireen qaxootiga dhadhaab,

In ka badan 217,000 oo qaxooti ah ayaan xiligan ku nool xeryaha qaxootiga ee dhadhaab iyadoo in ka badan boqolkiiba sagashan ay soomaali leeyihiin,