Wasaarada Waxbarashada XFS oo qabatay kulan la xiriiray tayeynta waxbarashada

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS mudane Maxamed Caabbi Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Kulankaan waxaa uu ku saabsanaa horumarinta Waxbarashada dalka gaar ahaan qorshayaasha nidaamka imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2020/2021.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabbi Xasan ayaa Agaasime waaxeedyada Wasaaradda kula dardaarmay in ay dar dar galiyaan islamarkaana qorshe ka keenaan qaabka ugu haboon ee si hufan imtixaanka lagu maamuli karo.