Barca oo qaab bilaash ah ku dooneysa Aguero.

Barcelona ayaa xiiseyneysa inay si xor ah kula soo saxiixato weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida ay qortay The Sun.

32-jirkii hore ee Atletico Madrid ayaa qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa xagaagaan welina wax qandaraas kordhin ah uma uusan sameynin kooxda Pep Guardiola.

Barca ayaa suuqa ugu jirta gooldhaliye fiican ka dib bixitaankii Luis Suarez, waxaana laga yaabaa inay faa’iido u arkaan saxiixa Aguero oo saaxiib  fiican la ah kabtanka Argentina iyo Blaugrana ee Lionel Messi.