Wasiirka tamarta oo la kulmay wakiilka hey’adda Qatar Charity ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi, ayaa Dabayaqaadii toddobaadkii hore kulan kula yeeshay xafiiskiisa mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda samafalka ah ee Qatar Charity oo uu hogaaminayay wakiilka hay’addaas ee Soomaaliya Mudane Cabdinuur Xaaji Cali.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlada Wasaaradda Marwo Shukri Maxamuud Afrax, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Daahir Cabdi Cabdullahi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, la taliyaasha dhanka biyaha iyo hawl-wadeenada Wasaaradda.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo hay’adda Qatar Charity ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta biyaha dalka iyo sidii ay gacan buuxda uga geysan lahayd hay’adda in ay kala shaqeeyaan Wasaaradda hirgalinta ceel biyoodyo laga qodo goobaha ay ka jirto baahiyo biyo, ayadoo Wasaaradda ay qaadaneyso doorkeeda oo ah in ay hagto goobaha laga fulinayo mashaariicda horumarinta biyaha.

Dhanka kale, Xubnaha ka socday hay’adda Qatar Charity, ayaa aad u bogaadiyay kulanka ay Wasiirka Wasaaradda la yeesheen, waxayna ku amaaneen mas’uuliyiinta Wasaaradda sida ay uga go’an tahay wax u qabashada dadka tabaaleysan ee u baahan in ay helaan biyo nadiif ah oo ku filan, ka hay’ad ahaanna ay diyaar u yihiin in ay raacaan qorshaha wasaaradda uga dagsan hirgalinta arrimaha la xiriira qodista ceelal biyoodyo, iyadoo tilmaanta ay Wasaaradda bixiso ay hay’adda ku hawl gali doonto.

Ugu dambeyntii, waxaa la is meel dhigay in la dardargaliyo heshiiskii ay Wasaaradda iyo hay’adda kala wada saxiixdeen sanadii hore, si hawlaha badan ee horyaala laba dhinac loo fuliyo lagana amba qaado qodobada heshiiskaas.