Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo kulamo ka wada Magaalada Qardho”Sawirro”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Magaalada Qardho ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay haweenka iyo Dhallinyarada Magaalada Qardho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee Gobolka , gaar ahaan dhanka nabad galyada iyo horumada ka jiro magaalada Qardho iyo guud ahaan Gobolka.

Haweenka iyo Dhalinyaradda Magaalada Qardho ayaa Madaxweyne dani uga mahadceliyey dadaalada uu wado maamulka puntland dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa dhankiisa waxaa uu ugu baaqay Haweenka iyo Dhalinyarada ku nool Magaalada Qardho inay si wanaagsan ula Shaqeeyaan Madaxda Maamulka Puntland.