Galmudug oo ciidamo gaysay deegaano dhawaan ay yimaadeen Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Galmudug , guddoomiyaha gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin kale oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa deegaanno hoos-taga degmada Hobyo ayaa gaaray maantay difaacyada hore ee ciidamada amniga Galmudug ay ku jiraan ee aagga Bacaadweyn iyo Cimaamad.

Ciidamada Qalabka-sida ee isugu jira mileteriga qeybta 21-aad, Nabadsugida iyo Daraawiishta Galmudug oo garabsanaya naftood hurayaal deegaanadaas ka soo jeeda ayaa heegan culus ugu jira difaaca dalka, dadka iyo diinta oo ay kooxaha argagixisada Alshabaab weerar ku yihiin.

Galmudug waxaa ay sheegtay inay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah kooxda Al shabaab oo dhuumaalaysi ku yimaada Koonfurta Gobolka.