Wasaaradda qorsheynta oo dib u eegis ku sameeysay qorshe howleedka WFP-Somalia ee Jubbaland+Sawirro

Wasaaradda qorsheynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa hay’adda WFP-Somalia fartay in ay xoojiso howlaha ay ka fulinayso maamul gobaleedka Jubaland, kadib kulan lagu soo bandhiyay dib u eegista qorshe howleedka 2021 ee hay’ada Cuntada Adduunka oo lagu qabtay Kismaayo.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb-galeen xubno ka socda wasaaradaha Jubbaland ee ay wada shaqaynta dhow leeyihiin WFP iyo Wasaaradda qorsheynta Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxa u qabsoomay qorshaha ICSP 2020 iyo 2021 ee hay’adda ee hay’adda WFP ee ku aaddan Dowlad gobaleedka Jubaland.

Agaasimaha kormeerka iyo qiimeynta wasaaradda qorsheynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, Cabdiraxiin Muuddeey ayaa sheegay in caqabadaha sanadkii hore ay aad u badnaayeen sida Cudurka Korana Farayska, balse ay iminka rajeynayaan in laga gudbo.

Madaxda ka socotay wasaaradaha Dowlad gobaleedka Jubaland ayaa bogaadiyay howsha ay garwadeenka ka tahay wasaaradda qorsheynta Qaranka iyo hay’adda, iyagoo isla meel dhigay  Istaraajiyadda cusub ee WPF- Soomalaiya 2022-2025.

Ugu dambeyn waxaa kulanka lagu go’aamiyay in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha WFP Dowladda federaalka iyo maamul gobaleedka Jubbaland si loo gaaro yoolka qorshayaasha loogu adeegaya bulshada Soomaaliyeed.