Messi oo labo kulan oo ganaax ah garka loo galiyay ka dib casaankii ugu horeeyay ee Barcelona.

Messi ayaa la ganaaxay kaliya labo kulan ka dib casaankii ugu horeeyay ee Barcelona laakiin racfaan ayaa weli u furan kabtanka Barcelona.

Superstar-ka reer Argentina ayaa Kaarka Cas loo taagay intii lagu guda jiray kulankii Spanish Super Cup ee ay la ciyaareen kooxda Athletic Club waxaana haatan lagu wadaa inuu ganaax ku maqnaado labo kulan Lionel Messi ayaa ka badbaaday  ganaax dheer ka dib markii uu qaatay casaankiisii ugu horeeyay ee waayihiisa Barcelona, iyadoo ciyaaryahanka reer Argentina uu seegi doono kaliya labo kulan oo ka dambeeya casaankii Spanish Super Cup ee uu ka qaatay kooxda Athletic Club, laakiin Blaugrana ayaa weli racfaan ka qaadan weeydiisan karta RFEF, oo xukunta arrimaha anshaxa ee Spain.

Waxaa la soo jeediyay in laacibka koonfurta Ameerika uu wajihi karo ilaa 12 kulan oo ganaax ah sababo la xiriira tallaabooyinkiisa taxaddar la’aanta ah ee uu qaaday.