Amiirka Kuwayt oo mar kale ra’iisal wasaare u magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid.

Amiirka dalka Kuwayt Nawaaf Al-Axmad Al-Jaabir ayaa maanta oo axad ah dib ugu magacaabay ra’iisul wasaaraha dalkaas Shiikh Sabaax Al-Khaalid Al-xamad Al-Sabaax.
Wakaaladda wararka ee Kuwayt ayaa sheegtay in wareegto ka soo baxday xafiiska amiirka dalkaas lagu magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid.
Ra’iisal wasaasraha la magacaabay ayaa la amaray inuu so xulo golo wasiiro oo tayo leh kuwaas oo dalka ku hoggaamin kara horumar .
Amiirka dalka Kuwayt ayaa hore u aqbalay iscasilaadda xukuumaddii hore isagoo ka codsady inay xilka sii hayaan inta laga soo dhisaayo xukumad cusub.