Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay waxgaradka Godinlabe iyo Mareergur, kuna soo laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar dhulka ah kasoo amba qaaday magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa ayaa socdaal kusoo maray magaalooyinka kala ah Godinlabe iyo Mareergur, halkaas oo uu si kooban uu kula kulmay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanadaas.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu danbeyntii maanta gelinka dambe gaaray caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb oo muddo kooban kaga maqnaa arrimo shaqo.