Laporte oo si maldahan u sheegay in uu ka tagi karo kooxda Man City.

Daafaca reer France ayaa ku soo laabtay safka koowaad ee Pep Guardiola kulankii Burnley, laakiin wuxuu qirtay in laga yaabo inuu meel ka baxsan Etahad uu ka cayaari karo.
Aymeric Laporte ayaa si maldahan u sheegay in xagaaga ay suuragl tahay in uu ka huleelo Manchester City, iyadoo daafaca reer France uu qirtay in uu jeclaan lahaa in waqti badan uu helo, inkastoo uu ku faraxsan yahay Etihad Stadium.
26 jirkaan ayaa lagu amaanay wixii uu ka sameeyay Etihad inta uusan dhaawacmin ka hor, ka dib markii uu lacag badan uga soo dhaqaaqay kooxda Athletic Club bishii Janaayo 2018.
laacibka reer France ayaa dhaawac soo gaaray darteed waxaa booskiisii kala baxay daafaca reer Ingriis ee Stones, kaasi oo horay keydka loo dhigay ka dib markii uu si buuxda u maareyn waayay qalabadda dhexe ee City.