Xaaladda Beled Xaawo oo degan ka dib dagaalkii shalay

Xaaladda degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta degan ka dib markii shalay dagaal ay ku soo qaadeen maleeshiyaad laga soo abaabulay dal shisheeye, kuwaas oo iska caabin xooggan kala kulmay ciidanka xoogga dalka.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee ku sugan magaaladaas ayaa ku soo waramaya in xaaladda ay tahay mid degan,islamarkaana ay dib u soo laabteen adeegyadii Bulshada ee hakad ku galay dagaalkii koobnaa ee ka dhacay Beled Xaawo, waxaana guud ahaan degmada gacanta ku haya ciidanka Dowladda Federaalka.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa wada howlgalo lagu xaqiijinayo amniga magaalada, kuwaas oo ay si aad ah u soo dhoweeyeen dadka shacabka ah.

Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed oo laga soo abaabulay dal shisheeye oo u shaqayna dano dalka kale iyo gumeysi inay dagaal ku soo qaadaan magaalada Beled Xaawo, halkaas oo ay dagaal kula galeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii fashilmay ee maleeshiyada Kenya soo hubeysay ku soo qaadeen magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.