Dood qaran, Xildhibaanow xad ku xidha iyo xuduud maleedahay?

ILAYSKADALKA(02.02.2021) Waxaan si wacan u wada ogsoonahay inay golayaasha sharci dajinta dalkeenu leeyihiin xasaanad. Sida ku cad dastuurka dalka cutubkiisa 6aad, qodobka 70aad firqooyinkiisa 1 ilaa 5 ee qeexaya Xasaanadda ama dhowr sanaanta xildhibaanimada golaha shacabka.  Qodobkani wuxuu ka hadlayaa oo kaliya sida ay tahay xildhibaanka xasaanaddiisa in loo ilaaliyo. Qodobka markaad aqrido waxad fahmaysaa inuu dastuurku ka dhigayo xasaanadda xuquuq uu xildhibaanku leeyahay. Wuxuuna qodobku odhanayaa

” Xildhibaanka laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xidhi karo lamana baadhi karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale ee u gaar ah, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho ah”.

Qodobka ka hadlaya xasaanadda xildhibaanka ee aan kor kusoo xusay wuxuu ka hadlayaa oo kaliya sida xildhibaanka xasaanaddiisa loo ilaalinayo. Sidoo kale wuxuu qodobku muujinayaa sida ay qorayaasha dastuurku qalad uga fahamsanyihiin kalmada xasaanadda. Qodobku wuxuu xasaanaddii ka dhigayaa xuquuq uu xildhibaanku leeyahay. Halka ujeedada xasanaddu aysan ahayn mid xildhibaanka kaliya xuquuq siinaysa balse si kamid ah sida ay xuquuqda u siinayso ilaalinta masuuliyadda xasaanadda ayay waajibaad u dulsaaraysaa xildhibaanka masuuliyaddas ku astaysan. Hadaba waa maxay xasaanaddu? Xasanaddu  waa xaq dastuuriya oo aan lasiin qofka xilka xasaanadda loo asteeyay haya oo kaliya balse lasiiyay in lagu dhowro masuuliyadda ay xildhibaannimadu wadato. Masuuliyadduna waxay leedahay xuquuq iyo waajibaad xadidaya awoodda xildhibaanka iyo shuruudaha shaqadiisa. shuruudaha shaqadana ka mid maaha in meel laguugu diray inaad soo nadiifiso, aad kusoo xaarto sababtoo ah xasaanad ayaad leedahay oo xildhibaan qaran ayaad tahay.

Taa waxaa la mid ah ninka loosoo xulay inuu matelo oo uu sharci dejiye u noqdo qaran ay ku dhex noolyihiin malaayiin muwaadiniin ah, oo ka mudan isaga, hadii ay tahay dhanka cilmiga, garaadka, waayo aragnimada iyo kartidaba. Kaasoo halkii laga filayay inuu ka faa’iidaysto fursadaas dahabiga ah oo uu muujiyo inuu wax ku qabtay fursadii ay dadka Soomaaliyeed siiyeen isaga, iyadoo ay joogaan dad badan oo ka mudani, uu xaar kaga wareegay goobtii loogu igmaday inuu tusaale wanaagsan ugu noqdo kuwa lajooga iyo kuwa kaga dambayn doonaba. Isagoo layimi hab dhaqan aan ka suurtoobin ilmaha 10 sano jirka ah ee fasalka 4aad dhigta.

Taas waxaa lamid ah xildhibaanka sida joogtada ah u jabinaya xeerarka dalka iyo kuwa uu golaha shacabku ku shaqeeyo. Tusaale ahaan, waxaan horay u wada daawanay inay dhacday in qaar ka mid ah xildhibaanadda qaranku ay firimbi ama siidhi jeebka kusoo qaateen maalintii uu golaha shacabku furmilahaa oo larabay in 2 waxyaalood oo muhiim ah la qabto.

1) In dadka Soomaaliyeed loo sheego wixii dowladooda u qabsoomay sanadkii dhamaaday. 2) In dadka Soomaaliyeed lala socodsiiyo meesha ay dowladnimadoodu marayso iyo halka ay higsanaysaba.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo maalintaas si toos ah muuq baahiyayaasha iyo baraha bulshada ugala socday jadwalkii uu ku socday habraaca furitaanka golaha shacanka waxay aad ula yaabeen hab dhaqankii xildhibaanadda qaar. Taasoo ay ka sugayeen golaha sharci dajinta dalka iyo xeer ilaalinta dalkaba in talaabo sharciga waafaqsan kaqaadaan xildhibaanaddii anshax xumadda kasameeyay golaha shacabka dhexdiisa, iyadoo madaxdii dalkuna joogtay shacabkiina ay daawanayeen. Shacabku arintaas waxay u fasirteen fashil haysta golaha shacabkaoo uu ku fashilmay anshax marinta xildhibaanka ku xadgudba ilaalinta masuuliyadda loo asteeyay xasaanadda xilka uu hayo. Taasoo u muuqata inaysan weli dhicin oo aan wax soo eedayn ah iyo wax anshax marin ah toona aan lagu samayn masuuliyiintii gefkaas ku sameeyay qaranka Soomaaliyeed iyadoo aduunka oo dhan laga daawanayo.

Taasi waxay keentay inay dad badan oo Soomaaliyeed ay is waydiiyaan su`aal odhanaysa, Xildhibaanow xad ku xidha iyo xuduud maleedahay?

Micnaha xasaanaddu maaha in xildhibaanka dambiga galaya ay ilaaliso ee waa inay ilaaliso xildhibaanka toosan ee dalkiisa si daacad ah ugu shaqaynaya, isagoo xeerka, nadaamka iyo qiyamka qarannimo ilaalinaya. Sidoo kale maaha wax suurtagal ah inaan ka ogolaano masuul haya xil ama ku fadhiya kursi leh xasaanad ilaalin u baahann, wax aanan ka ogolayn ilmo yar oo 10 sano jir ah oo dhigta fasalka 4aad. Sababtoo ah ma jiro bare ogol in ilmuhu uu siidhi ama firimbi jeebka kusoo qaato, si ay u yeedhiyaan siidhigaas marka uu baruhu bilaabo bixinta casharka maalintaas ardayda loogu talo galay. Sidaa darted suurtagal maaha in wixii ilmahaas yar aan laga ogolayn aan ka ogolaano xildhibaan ku fadhiya kursi xasaanad leh oo ay tahay in xasaanadaas la ilaaliyo. a ogolaano. Sidoo kale maaha inay xasaanaddu noqoto hub lagu difaaco qaran dumisniamda iyo sharci jabinta. Aduunka kale xasaanaddu way burtaa hadii uu qofka haya masuuliyadda ay xasaanaddu u astaysantahay layimaado waxyaalo keenaya inay xasaanaddii dhaawacanto. Sababtoo ah xasaanadda lafteeda ayay masuuliyadeedu tahay inuusan masuulka haya xilka xasaanadu u astaysantahay dhafin xayndaabka xasaanaddaasi u astaysantahay ee ay ku ilaashamayso, balsee maaha in xasaanadda loo isticmaalo wixii loo asteeyay waxaan ahayn oo ay noqoto hub la isku difaaco marka uu shaqsiga haya xilka xasaanadda loo asteeyay uu rabo inuu wax qaribo.

W/Q: Abdiqani Jamac Dharas

OO ah falanqeeye arimaha siyaasada, una dooda xuquuqda aadanaha iyo saraynta sharciga. Lasoco qeybta 2aad.