Ruushka oo xiray boqolaal Banaanbaxayaal ah iyadoo wali ay socdaan howlgalada lagula dagaalamayo xulafada Navalny.

Booliska Ruushka ayaa maanta oo Axad ah xir-xirayay boqolaal dibadbaxayaal ah oo isugu soo baxay wadooyinka magaalooyinka waaweeyn ee dalkaasi, iyagoo dalbanaya in lasii daayo Alexey Navalny oo in muddo ahba xirnaa.

Mudaaharaadyadii ugu horreeyay ayaa ka qwarxay Bariga Fog, oo ay ku jirto magaalada dekedda leh ee Vladivostok halkaas oo dibadbaxayaashu ay isugu soo baxeen fagaaraha bartamaha magaalada inkasta oo booliisku ay isku dayayeen in ay ka hortagaan

“Rabitaankeyga ah in aan ku noolaado wadan xor ah ayaa ka xoog badan cabsida aan ka qabo in la i xiro,” ayuu yiri, mid ka mid ah Banaanbaxayaasha oo diiday inuu sheego magaciisa.