Suudaan oo sheegtay in tirada qaxootiga Itoobiyaanka ah ee dalkaas soo gaartay ay kor u dhaaftay 66,000.

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan xukuumadda dalka Suudaan ayaa sheegtay in tirada qaxootiga ah ee ka soo cararay colaadaha Itoobiya soona galay dalka Suudaan ay kor u dhaaftay 66,000.
Bayaan kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in tirada qaxootiga ee soo gaaray gobolka Kasaala ay gaareen 47,629, halka tirada soo gaartey gobolka Gedaaref ay gaareen 18,857.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in wali ay jiraan dad jooga xeryaha soo dhawaynta kuwaas oo aan wali la diiwaan gelin.
Suudaan ayaa ah dalka qaabilay qaxootiga ugu badan ee kasoo cararay colaadaha dalka Itoobiya ka socday bilihii lasoo dhaafay.
Dolwadda Itoobiya ayaa hore u shaacisay in laga guuleystay jabahdda Tigreega iyadoo lagu dilay dagaalkaas hoggaamiyaal caan ahaa qaar kalena lasoo qabtay.