Howlgal lagu Bur-burinaayo Dhismayaasha Sharci darada ah oo maanta ka bilowday Gaalkacyo

Olalahaan oo ah kii ugu weynaa ee maamulka dagmada Gaalkacyo ee Galmudug uu sameeyo mudadii u dhisnaa ayaa maanta lagu bur burburinaiyay dhismayaal  iyo Barkado si sharci dara ah looga dhistay qaar ka mida wadooyinka magaalada Gaalkacyo

Maamulka dagmada Gaalkacyo oo kaashanaya Ciidamada Booliiska dagmada ayaa ku guuleeysteen in ay furaan ilaa sadax waddo oo ku yaala xaafada magaalada Galkacyo.

Gudoomiyaha dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, oo la hadlay warbaahinta intii uu socday howlgalka bur burinta ah ayaa sheegay in howlgalkan saaka biloowday uu daba socdo qorshaha hagaajinta bilicda magaalada Gaallkacyo uuna socon doono inta laga furayo dhamaan waddoyinka sida sharci dara ah hareerahooda  looga dhistay dhismayinka iyo Barkadaha, kuwaas oo caqabad ku ah isku socodka magaalada.