Madaxweyne Farmaajo oo la filayo inuu Maanta la hadlo Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane; Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu ka qeyb galay shirkii wada tashiga Dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee horraantii bishan ka furmay magaalada Samoreeb.

Mudane Farmaajo ayaa la filayaa Saacadaha soo socda in uu khudbad u jeediyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo uga war bixin doona waxyaabihii kasoo baxay shirkii Magaalada Dhuusamreeb.