Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Ayaa Soo Bandhigay Waxqabkiisa 2015-2020

Shir dib loogu eegayay wixii kasoo baxay shirkii dib u eegista waxqabadkii Guddiga 2015 -2020 iyo samaynta Istaraatiijiyadda  2021-2025 ayaa lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Guddiga ee Magaalada Mogadishu.

Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Guddiga, komishineerada , lataliyayaasha, Xoghayaha joogtada ee Guddiga, Diwaangaliyaha Xafiiska Xisbiyada iyo Agaasimayaasha.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray in tala wadaag lala sameeyo dhamaan daneeyayaasha kuwaas oo saamayn ku leh hawlahaha Guddiga.

Daneeyayaasha uu Guddiga la kulmi doono ayaa kala ah:

  1. Xisbiyada sida ku meel-garka ah u diwangashan.
  2. Hay’adaha Dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
  3. Ururada Bulshada Rayidka iyo Warbaahinta.
  4. Hay’adaha Caalamka ee sida gaarka ah ula shaqeeyo Guddiga.