Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la xiriira shaqada la qaatay la taliyeyaasha wasaaradda

07.02.2021 Ilayskadalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Md. Saciid C/laahi Calasow ayaa kulan la xiriira shaqada la qaatay la taliyeyasha wasaaradda iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortibanta leh iyo mashaariicda ay wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaal iyo Dib-u-heshiisiinta.

Agaasimaaha Guud ee Wasaaradda ayaa ugu horrayn ugu mahadceliyey la taliyeyaasha shaqada iyo naf hurnimada ay muujiyeen inta ay la shaqaynayeen Wasaaradda.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa la taliyeyaasha  mid mid uga dhagaystay Warbixin ku aaddan howlaha ay u hayaan Qaranka.

Agaasimaga Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiinta Dowladda Soomaaliya Mudane Siciid C/llaahi Calasow ayaa wada dardar gelinta howlaha Wasaaradda iyo sidii shaqada u noqon laheyn mid miro dhal ah.