Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhiga XFS oo Kormeeray Taliska Ciidanka Badda

Muqdisho (Ilayska Dalka) 08.02.2021 : Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa maanta kormeeray taliska ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna Saraakiisha ciidanka ka dhageystay heerarka kala duwan uu soo maray ciidanka Badda iyo howlaha horyaala.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa xarunta ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ku soo dhoweeyay Taliyaha ciidanka Admiral Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Badda.

Admiral Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga uga warbixiyay howaha hortebinta u leh taliska.

Wuxuu sheegay Wasiir Cabdifataax Qaasim in ciidankeenu uu ka muuqdo mooraal, rajo iyo yididiilo aad u sareeyo, wuxuuna ku bogaaday howsha adag ee ay Qaranka u hayaan.

Kormeerka ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca waxaa ku wehlinayay taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga dalka, taliyaha ciidanka cirka iyo Saraakiil kale.

Dowladda Federaalka ayaa xil weyn iska saartay tababarka, tayeynta iyo xuquuqda asaasiga ee ciidanka qalabka sida,islamarkaana marnaba gaabis ku iman.