Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kulan Muhiim ahaa la Qaatay Masuuliyin Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

Muqdisho (Ilayska Dalka) 08.02.2021 Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo ay ugu horeyaan Wasiir Ku-xigeenka, Wasiiru-Dowlaha,  & mas’uuliyiin sare oo dhinaca waxbarashada qaabilsan

“Waxa aan maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo ay ugu horeyaan Wasiiru-Dowlaha, Wasiir Ku-xigeenka iyo saraakiil sare oo dhinaca waxbarashada qaabilsan.

Wuxuu sheegay Wasiir Beyle in ay ka wada hadleen baahiyaha dhinaca waxbarashada ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay in maalgelin joogta ah la siiyo hannaanka Waxbarashada,maadaama Waxbarashadu ay tahay iftiinka Dadkeenna iyo horumarka bulshada.