Golaha shacabka ee BJF oo ku kulmaya Muqdisho

Muqdisho Ilayskadalka-Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku yeelanaya xarunta golaha.

Kulanka maanta ayaa looga hadlayaa labo qodob oo kala ah Akrinta saddexaad ee wax ka bedelka sharciga Waxbarshada Heerka 1-aad iyo 2-aad iyo tacliinta sare, iyo qodobka labaad oo ah Warbixinta ku saabsan waxqabadka 100-ka maalmood ee Xukuumadda Federaalka oo loo qeybinayo xildhibaanada si ay u soo akhriyaan.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 9-ka bisha Febraayo 2021 oo beri ku began hortagaya Xildhibaanada golaha shacabka si uu uga hor jeediyo warbixinta waxqabadka 100-ka maalmood ee Xukuumaddiisa.