Golaha Shacabka oo Ansixiyay Wax Ka Bedelka Sharciga Waxbarashada Dalka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ansixiyay wax ka bedelka sharciga waxbarashada dalka ee heerka 1 aad, 2 aad iyo tacliinta sare, 170 mudane oo kulanka maanta ka qeybgalay ayaa ogolaaday sharcigan.

Wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya, mudane Cabdulaahi Abuukar Xaaji, ayaa mudanayaasha uga mahad celiyay ansixinta wax ka bedelka sharciga waxbarashada dalka.

Sidoo kale, xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo qeybiyay wax qabadka xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.