Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa booqasho ku tegaaya qaar ka mid ah dowladaha Khaliijka

Muqdisho Ilayskadalka-Wasiirka arrimaha dibada ee Turkiga Mowluud Jaawiish Oglo ayaa bilaabaya beri oo talaado booqasho uu ku maraayo wadamada Kuwayt, Qatar iyo Cumaan.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in booqashada wasiirku socon doonto ilaa 11 bishaan February.

Wasiirka ayaa la kulmi doona wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalkaas isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka Turkiga iyo wadamada Khaliijka iyo xaaladda gobalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmi doona ganacsatada Turkida ee ku nool wadamada Khaliijka.