Xuska Maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho Ilayskadalka-Xuska maalinta Caalamiga ah ee u dul qaadasho la’aanta gudniinta gabdhaha ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyaen Wasaaradaha Haweenka iyo caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Haweenka Xaniifa Maxamed Ibraahim, ururada haweenka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood.

Wasiirka Haweenka iyo xaquuqul insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa sheegtay in Wasaaraddu diyaarisay sharciga lagu mamnuucayo gudniinka gabdhaha, kaas oo hadda hor yaala golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Haweenka Degmada Kaaraan Suldaano Axmed Maxamed ayaa Wasaaradda caafimaadka kula talisay in ay shaqaaleysiiso dadka gudniinka ku shaqeysta si meesha looga saaro gudniinka.

Dhammaan ka qeybgaliyaasha munaasabadda ayaa muujiyay sida ay uga soo hor jeedaan caadadan aafada ah oo dhibaateysay gabdho badan oo Soomaaliyeed.

6 February ayaa ah maalinta loo asteeyo wacyigelinta ku aadan cirib tirka gudniinka gabdhaha, hal ku dhegga sanadkan ayaa ah Adduunka wakhti wax qabad la’aan ah uma harin, waa in loo midoobaa maalgelinta joojint gudniinka gabdhaha.

2003-dii ayay Qaramada Midoobay u astaysay in 6 February noqoto maalinta caalamiga ah ee u dul qaadasho la’aanta gudniinta gabdhaha.