Inta Jeer Ee Madaxweyne Farmaajo Tanaasul U Sameeyey Doorashooyinka Dalka

Muqdisho,Ilayskadalka-1. 5-tii Juun 2018-kii, Shirkii Baydhabo, waxaa heshiis lagu gaadhey in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ah nooca hal deegaan doorasho (Single Constituenty), markii sharcigii doorashadaas ay Xukuumaddu diyaarisay, ayaa Baarlamaanku diiday, mid cusub oo qof iyo cod Majoritarian ah keeneen. Madaxweynuhu wuu u tanaasulay, lana qaatay.

2. Sharcigii Baarlamaanku keenay ee qof iyo cod ee Majoritarian-ka ahaa ayaa maamullada Puntland iyo Jubbaland diideen. Kadib, I4-kii Juun 2020, Madaxweynuhu wuxuu shir kuwada casuumay maamullada. Casuumaddiisii inta ay diideen ayay Dhuusamareeb ku shireen, ka dibna Madaxweynaha ku casuumeen. Isaga oo gogoshiisii ay diideen, ayuu mar kale u tanaasuley oo toodii aqbalay.

3. Shirkii Samareeb Saddex ayaa Dowlad Goboleedyadu ku diideen sharcigii doorashooyinka ee qof iyo cod. Madaxweynuhu, waa uu u tanaasulay, waxa uu la qaatay noocii ay soo jeediyeen ee doorasho deegaamaysan. Misna waxaa taas diidey Puntland iyo Jubbaland.

4. Sabteembar 2020, Madaxweynuhu waxa uu Muqdisho shir ku wada casuumey Dowlad Goboleedyada. Madaxweynuhu waa uu u tanaasuley, isaga oo ku yiri: “wixii aad ku heshiisaan baan idin la qaadane, soo qora idinku” Waxaa sidaas ku yimid heshiiska 17-ka Sabteembar.

5. Heshiiskaa 17-ka Sabteembar, keliya waxaa uu Mdaxweyne Farmaajo soo jeediyey in loogu daro labo qodob oo kala ahaa, 1. in Guddigii Doorashooyinka Qaran ay doorashada qabtaan. 2. In haweenka tartamaya qarashka diiwaan gelinta laga yareeyo. Labadii ba waa laga diidey. Kuma uu san dhegine, waa u tanaasuley.

6. Ka dib markii heshiiskii 17-ka Sabteembar ay Jubbaland iyo Puntland diideen in ay fuliyaan, Madaxweynuhu wuxuu ergo ahaan ugu diray Ra’iisul Wasaaraha XFS, kadibna, Madaxweyne Qoorqoor. Waxa ay u soo dhiibeen saddex dalab. Markii uu saddexdoodii shuruudood Madaxweyne Qoorqoor dowladda u keenay, Madaxweynuhu wuu wada aqbalay, saddexdii shardi. Balse iyaga ayaa dib u gurtay.

7. Isaga oo shan bilood ku baaqayey, dedaalna geliyey in la fuliyo heshiiskii, ayaa uu si xal loo gaaro, hore na loogu socdo, Madaxweynuhu mar kale Samareeb ku casuumey Dowlad Goboleedyada si loo xalliyo waxyaabaha hortaagan fulinta heshiiska. Taas oo muujinaysa heerka uu Madaxweynuhu u tudhayo Dalka iyo ka go’naanshihiisa in doorasho la aado.

8. Markii shirkii Samareeb afar la isugu tegey, Madaxweynuhu waxa uu tanaasul ka muujiyey dhammaan qodobbadii ay xujada ka dhigteen qolyaha diidanaa fulinta heshiiska. Waxaa uu aqbalay: 1. in Cabdixaashi xubno laga siiyo Guddiga Gobollada Waqooyi. 2. In xubnaha guddiga ee laga cawdey la beddelayo 3. In dhammaan xalalkii dhexdhexaadinta Gedo ee la soo jeediyey uu mid walba aqbalay. Balse, mar walba xujo hor leh ayaa ay ku gudbayeen.

9.Mar walba oo ay dalab hor leh soojeediyaan ba, Madaxweynuhu, si uu wadajirka Qaranka u dhawro waa u tanaasulayey. Basle markii uu xujo furo si hore loogu socdo, mid hor leh ayay keenayeen si aan loo dhaqaaqin. Xaalkoodu waxa uu noqday, Maantana farbaa maydh la’ iyo marmarsiinyaa muska ii galay.