Boliiska Soomaaliya oo baaraya Haween lagu dilay Muqdisho

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno la xiriira cidda ka dambeysay dilka Saddex Haween ah oo Saakay aroortii ka dhacay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Haweenkani oo laba ka mid ahi ay xaamilo ahaayeen la dilay xilli ay kusii jeedeen goobtooda shaqo, iyadoo la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen Argagixisada Al-Shabaab.

Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah ku dilaan Kooxaha Argagixisadda ah.