Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Senatar Maxamed Yuusuf Xaaji

Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane; Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo eheladadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay Senatar, Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka tirsanaa xildhibaanada dalka Kenya.

Mudane; Rooble ayaa boggiisa Twitterka ku sheegay inuu Xildhibaanku ahaa Oday Soomaaliyeed iyo siyaasi rug caddaa ah oo saamayn iyo qiima weyn ku lahaa geyiga Soomaaliyeed iyo guud ahaa geeska Afrika.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa marxuumka Alle ugu baryay inuu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelada uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.